Muqdisho- (SONNA)Munaasabadan oo lagu xusayay 18ka December oo ku beegan Maalinta loo agoonsaday tahriibayaasha adduunka taasi oo wacyi gelin looga sameynayay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii tahriibka looga joojin lahaa, isla markaana shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen machadka Hano Academy oo kaashaneysa Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladda waxaa ka qeyb galay munaasabadda mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya, hay’adaha ganacsiga ee ka shaqeeya ee dalka iyo Wakiilo ka socday bankiyada ka howlgala caasimadda, gaar ahaan dalka Soomaaliye dhalinyaro iyo bulshada qeybaheeda kala duwan
Madaxa Machadka Hano Academy Sacdiyo Siyaad ayaa ka hadashay sida looga hortagi karo tahriibka iyo qaabka shaqo abuur looga sameyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Maanta waxaa halkan looga hadlayaa sidii loo joojin lahaa tahriibka oo ay ku dhimanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in la weyneeyo maalinta 18 December oo ku beegan maalin tahriibayaasha, Hano Accademy waxay xoogga saareysaa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqo abuur ugu sameyn laheyd”ayay tiri Sacdiyo.
Wakiilo ka kala socday Premier Bank iyo Dahabshiil Bank ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu maal gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay uga baaqsadaan tahriibka.
Xasam Maxamed Guutaale Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Shaqada iyo Cumar Xuseen Caliyow Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa si wada jir ah u tilmaamay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii dhallinta looga caawin lahaa inay shaqo helaan.
Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa Mudooyinkan dambe waxa ay Dowladda Soomaaliya waday dadaalo dib dalka loogu soo celinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada ku yaala caalamka, kuwaasi oo tahriib ku tegay wadamo badan