Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Sidee Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sidee Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)
GudahaWararka

Sidee Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 31, 2022
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Halgamaa Hibaad Cali Dasar ayaa shihiiday isaga oo kor yeelaya sharafta ummadda Soomaaliyeed iyo qiimaha Diinteenna Suubban, wuxuuna halganka ka dhanka ah Khawaarijta u istaagay ka dib markii Khaawrijtu ay dadka deggan deegaanka Guulane guryahooda uga kireeyeen Lacag badan oo aysan  awoodin.

Alle ha u naxariisto Hibaad Cali Dasar oo ahaa hoggaamiyihii dad iska abaabulay degaanno hoos yimaadda degmooyinka Cadale iyo Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bilaabayna dagaalka ka dhanka ah kooxda naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaal ay Khawaarijta kula galeen deegaanka Guulane bishii October 1,2018, kaas oo Kooxda looga dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan.

Dad badan oo isugu yimid deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada hoos yimaado, ayaa xusay halgankii guuleystay ee furaha ay u ahaayeen shihiid Hibaad iyo halyeey Nuur Cali Jumbur, kuwaas oo taariikhda ka galay baal dahab ah.

Maxamuud Taakoow wuxuu ka mid yahay saaxiibada Hibaad Cali Dasar, sidoo kale, aqoon durugsan u leh Nuur Cali Jumbur, wuxuuna ka warramay taariikhda labadan halyeey sida uu ku bilowday go’aankan loo aayay ee Hibaad & Jumbur.

“ Mucawiisley waxaan aas-aasnay 2014, dagaalkana waxaan bilownay 2016-kii, waxayna ku shihiideen meel la yiraahdo Buur-dacar, raggii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay dagaalka xaq u dirirka ah ayey kow ka ahaayeen,” ayuu yiri Mr. Taakoow.

Arxaan-laawayaasha ayaa Qoorta ka jaray ka dibna madaxiisa ayay ku soo wareejiyeen magaalooyin badan si ay dadka ugu cabsi galiyaan, warbaahinta qaranka ayaa dul istaagtay ceelkii Khawaarintu ku rideen Hibaad Cali Dasar Aabihii halganka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo dhowaan ka hadlay munaasabad loogu duceynayay shihiid Hibaad Cali Dasar iyo shuhado kale ayaa sheegay in halgamaa Hibaad uu shihiiday isagoo kor yeelaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suubban iyo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Khawaarijta.

“Runtii Waxay meel sare kaga qoran yihiin halganka jihaadka ah ee ummadeennu kula jirto khawaarijta oo muddo kooban gudahood aan dalka kaga xoreyn doono innaga oo kaa shanayna shacabkeenna sharafta leh,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Hibaad Cali Dasar oo hoggaaminayey ciidamada dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la geeriyooday haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur, labadan muwaadin iyo kuwo kale oo badan waxay naftooda iyo maalkooda u hureen difaaca dadka, dalka iyo Diinteenna Suubban oo ay si qaldan u fasireen Khawaarijtu.

Alle ha u naxariistee, Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo sabab u ahaa in ay dadka deegaanka hubka qaataan lana dagaalamaan Khawaarijta ayaa hadda waxaa mira-dhal noqday ujeedka halgankoodii, waxayna dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ku dhiiradeen in ay dagaalamaan oo ay deegaano badan ka saaraan argagixisada.

Waxaa isbeddel dhanka nolosha ah laga dareemayaa deegaanadii halganka uu ku bilowday ee gobolka Shabeellaha dhexe, sidoo kale, waxaa rumowday riyadii uu la god galay halgamaa Hibaad Cali Dasar iyo muwaadiniintii kale ee ka bar bar dagaalamayay, iyadoo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al-shabaab ka tir-tiraan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanka Guulane, oo ah halka uu halganka ka bilaabay shihiid Hibaad Cali Dasar, waxay 50 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, maanta waxaa laga darreemaya nabad iyo in dib ay u soo laabatay horumarka iyo noloshii bulshada.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo Isbitaal ku booqay Qoyska Shahiid Gacal

Muqdisho, Maarso(SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu…

WararkaWargayska
March 12, 2020

Madaxweyne Deni oo salaadda Ciidda bulshada kula dukaday Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaalada  Gaalkacyo Shacabka kula ciiday ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta…

Wararka
July 31, 2020

Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

Muqdisho-(SONNA)- Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay galisay arrimaha doorashada…

GudahaWararka
December 6, 2020

Xarunta Gurmadka deg degga ah ee Puntland oo la dhagax dhigay

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehEliyaan Wasiir ka Gar-gaarka Puntland Cabdullahi Cabdi…

GudahaWararka
March 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023