Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?
GudahaMaqaalladaWararka

Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 29, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah, horumarka tiknoolajiyadda awgeed barahaha bulshada ayaa noqday mid cid waliba heli karto, in kasta oo dhinacyo togan ay leeyihiin isticmaalka barahani haddana waa seef laba af leh.

Inkastoo, Baraha bulshada ay yihiin qalab awood leh oo lagu sameeyo xiriirro macno leh haddana dhanka kale, waxaa jira saameyn xun oo ka dhalata isticmaalka badan gaar ahaan Aaladda Tiktok oo maalmihii u dambeeyay ay soo bateen macluumaadka aan wanaagsaneyn ee lagu faafiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khaladaadka ka dhaca baraha bulshada.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa isagoo ka hadlayay Barnaamij dood furan oo ay qabatay wasaaradda warfaafinta wuxuu ku sheegay in inta karaankooda ah ku dadaalayaan sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa si xun u isticmaalka baraha Bulshada oo Tiktoka ugu horeeyo.

” Wasaaraddu inta karaankeeda ah ama tabarteeda gaarsiisan tahay maanta ma islihi wax ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka hagratay ayaa jiro ma islihi ee inta awooddeena ah gaarsiisan tahay, dadaal ku dari karno dheeri ah, marka xaggaas gaabis kama jiro, laakiin, waxaa iska jira culeys guud, waxaa jira dhallinyarada fursadihii shaqo ama saaxaddii shaqo ay u baahnaayeen in ay ka helaan dalkooda iyo baahida tababarta dowladdooda marka la fiiriyo runtii wax isku dhow ma ahan, marka aad fiiriso xaddiga iyo barsanteejka dhallinyarada aqoonyahanada ah ee Jaamacadaha ka soo baxa ee sanad kasta labaatan kun ka badan ka soo baxda iyo suuqa shaqada waxa yaala,”.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla ayaa dhankiisa sheegay in ka wasaarad iyo dowlad ahaanba ay ku baraarugsan yihiin halista ka dhalan karta isticmaalka xun ee baraha Bulshada, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay wadaan qorshe ay kaga hortagaan dadka fara ku tiriska ah ee macluumaadka iyo xogaha aan sugneyn faafinaya ama ka beeray dhaqankeenna suuban.

” Waxa aan ka hadleynaa waa inta yar ee sida qaldan u isticmaasha, nolosha waxa caadiga ah ee dadka bini-aadamka ka barteen waxaa waaye waxa xun iyo waxa wanaagsan markasta waxaa xawaara dheereeya waxa xun, marka waxaa laga yaabaa boqolaal qof in ay runtii fariimo wanaagsan gudbiyaan laakiin hal fariin oo xun in ay ka saameyn badan tahay, waxaa runtii wasaarad ahaan bilihii la soo dhaafay ku mashquulsaneyn arrintaan inaan daraaseyno, waxaanna ogaanay in ay inoo soo baxday runtii oo dareensan nahay halis weyn oo haddii aan maareyn dadka Soomaaliyeed sida ay mudan tahay ugu baraarugin oo dowlad iyo dad ahaan iskaashanin nagu yeelan doonto saameyn aad u xun oo natiijadeedu hadda iyadoo ficil ah bilaabatay,”.

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa hoosta ka xariiqay in saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada ay ka dhalan karto khatar amni oo ay ganbaad ka dhigtaan kooxaha Khawaarinta.

” Khatarta amni ee baraha Bulshada waxaa kow ka ah in ay keyn u tahay kooxaha Khawaarijta ee lidka ku ad Diinteenna suuban,” ayuu yiri Sheekh Qorane oo dhallinta Soomaaliyeed u iftiiminayey in ay dhanka wanaagsan ka eegaan isticmaalka baraha Bulshada oo ah seef labo af-leh.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay Barnaamijka ee Dood-furan ayaa fikirkooda ka dhiibtay qaabka iyo hanaanka ugu fudud ee dhallinta loogu jiheyn karo in ay si wanaagsan oo faa’ido u leh adduunkooda iyo Aakhiradoodaba u isticmaalaan baraha Bulshada, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan Aaladda Tiktoka ee goobta ka hadlay ka mid ah Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada.

” Aaaladda Tiktok waa ka saameyn badan tahay Aaladaha kale, Dowladdu ha timaado Aaladda Tiktok si ay u aragto dadka sida khaldan u isticmaala,” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi.

Waxaa sanadihi danbe soo badanayey isticmaalka Baraha Bulshada ay isticmaalaan soomaali badan gaar ahaan Tiktok , Facebook, Youtube iyo Snapchat, Twitter iyo qaar kale oo badan, waxayna qabiiriinta internetka sheegaan in isticmaalka Baraha Bulshada ay leeyihiin faa’ido iyo qasaare labadaba.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Haweenka XFS oo Baydhabo ku qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda +Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga…

Wararka
November 12, 2020

Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya oo hakisay adeegyadii ay qaban jirtay

New Delhi(SONNA)-War ka soo baxay Safaaradda Soomaalidu ku leedahay Dalka Hindiya ayaa sheegaya in la hakiyo adeegyadii ay qaban jirtay…

WararkaWargayska
March 23, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey halka ay marayaan hawlgalada dalka looga xoraynayo Khawaarijta

Kismaanyo(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhowed Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaanyo oo ah…

GudahaWararka
February 15, 2024

Jabuuti oo samaysanaysa Dayax Gacmeed

Jabuti-(SONNA)-Dowladaa Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay yeelato dhowaan Dayax Gacmeed u gaar ah , kaas ay dooneyso in ay…

Wararka
February 11, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023