Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay
GudahaWararka

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

By Abdulkadir
Last updated: July 14, 2025
2 Min Read
Share

Laascaanood(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa shalay magaalada Laascaanood ka furtay shirweynaha Dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhameystirka maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh oo wakiill uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Arrimaha dhameystirka dowlad-goboleedkan cusub ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in bulshada SSC ay qaadtey go’aanka aayahooda, wuxuuna yiri” Bulshada SSC waxay qaadatey go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso dowlad-goboleed rasmi ah, dastuur leh, una adeegaysa rabitaanka shacabka, DFS-na waxay garab taagan tahay dadaalkaa.”

Wasiir Cali Xoosh ayaa isagoo ka hadlay aragtida Dowladda Federaalka ee SSC, wuxuuna yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaanada SSC lagu gaari karo oo keliya marka deegaamadaani helaan dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqota nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Sido kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay doorka hoggaanka dhaqanka isagoo yiri”Isimada dhaqanka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa doorkooda, waxaanan ku boorinayaa in ay sii xoojiyaan hoggaaminta nabadda iyo
guusha shirweynaha.”

Wasiir Xoosh ayaa baaq u diray bulshada SSC, isagoo yiri ”Waxaan baaq iyo dardaaran u dirayaa dhammaan qeybaha bulshada sida; isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada, si ay u ilaashaan nabadda, u hoggaansamaan nidaamka, kana shaqeeyaan dowladnimadda iyo horumarka.

Dhamaan, Siyaasiinta, waxgaradka iyo Ergada ka soo qeyb-gashay shirweynahan ee munaasabadda furitaanka ka hadashay ayaa is-dul-istaagay ahmiyadda shirweynahan lagu dhameystirayo SSC Khaatumo, kuwaas oo sheegay in qeyb wayn uu ka qaadan doono dowlad dhiska casriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horseedeya wadajirka dhuleed Soomaaliya.

Hirgelinta dowlad-goboleedka SSC Khaatumo ayaa loo arkaa mid muhiim u ah adkaynta wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana Dowladda Federaalka lagu bogaadiyey dadaallada ku aadan nidaam u sameynta gobollada Sool iyo Sanaag kuwaas oo taariikh facayn ku leh gayiga Dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay qaar ka mid ah hay’adaha sama falka

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Wafdi sare ah oo ka socday Hay'adaha Caalamiga ee…

GudahaWararka
July 5, 2023

Wasiir Maareeye oo Talyaaniga uga qaybgalay shirka Beeraha Adduunka

Rome (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka…

GudahaWararka
February 13, 2025

Masar oo safaaradeeda Muqdisho dib u hawlgalisay

Muqdisho (SONNA): Dowladda Masar ayaa maanta oo talaaddo ah magaaladda Muqdisho ka furtey xarunta cusub ee safaaradeeda. Furitaanka xarunta cusub…

GudahaWararka
August 13, 2024

Amb: Kullane oo ka qeyb galay Munaasabad lagu daah-furayay xarunta iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Beijing,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayay Xarunta…

GudahaWararka
July 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023