Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Shirweynaha Qaran ee ka hortagga faafinta wararka been abuurka iyo buunbuuninta oo Muqdisho ka furmay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha Qaran ee ka hortagga faafinta wararka been abuurka iyo buunbuuninta oo Muqdisho ka furmay
GudahaWararka

Shirweynaha Qaran ee ka hortagga faafinta wararka been abuurka iyo buunbuuninta oo Muqdisho ka furmay

By Bile
Last updated: June 3, 2023
8 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Qaran ee ka hortagga faafinta wararka been abuurka, buunbuuninta iyo wararka sida khaldan loo tabiyo.

              HOOS KA AKHRISO KHUDBADA WASIIR DAA’UUD.

 

1-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, mas’uuliyiinta kale ee dowladda, iyo marti sharafta kala duwan-Assalamu Caleykum waa Raxmatullahi wa Barakatu. Subax wanaagsan. Farxad ayay inoo tahay ka wasaarad ahaan inaan idin ku soo dhoweyno shirkan qaran ee ka hortagga ama xakameynta tebinta wararka aan saxda ahayn, marin habaabinta iyo wararka been abuurka ah. Shirkan waxaa muhuimad gaar ah u yeelaya sare u kaca ballaaran ee fafalkan xun ku hayaan bulshada, iyadoo tiknoloojiyadda casriga ee digitalka ay sii sahashey faafitaanka falalkan guracan.

2-Mudane Ra’siiul Wasaare, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Waxaa la yiraahdaa ‘’ Beenta ama wararka been abuurka ah waxay degdeg ugu faafaan adduunka daafahiisa, halka hadalka runta ah ay indhaha dadku ay arkaan inuu yahay mid gaabis ah”. Xaaladdaas ayaa maalin walba ina haysata, waxaana muuqata in khadka u dhexeeya runta iyo beenta ay cadowga horumarka diiddan doonayaan inay mugdi ka dhigaan si aanay shacabka xaqiiqda u ogaan, iyaguna ay beentaas ka dhigtaan buundo ama marin ay ku gaaraan danahooda guracan ee aan ummadda inteeda kale wax faaiido ah ugu jirin.

3-Qaramada Midoobay waxa loo yaqaano “Misinformation” ama wararka aan saxda ahayn ku qeexday war been ah, amaba aan sax ahayn sida warar kutiri kuteen ah amaba aflagaaddo loogu talagaley in ummad ama shkahsiyaad lagu dhibaateeyo. Disinformation ama in wararka si khaldan loo tebiyaa, waxaa Iyana lagu qeexay in si ula kac ah loo adeegsado warar xun, oo naceyb ku dheehan, propaganda iyo buunbuunin aan sax ahayn , ujeedka laga leeyahay uu yahay in bulshada la dhex dhigo cabsi, shaki abuur, kala fogeyn iyo xumaan kaleba.. Falalkan guracan waa caqabad caalamka ka jirta, oo dhalisey in dadka ay ku adkaato inay warka saxda ah ka soocaan wararka khiyaaliga ah xilligan casriga ee tiknoloojiyadda digitalka isticmaalkeedu uu sareeyo.

4-Marka aan u nimaadno dalkeena Somalia, arrimaha aan soo xusney ee wararka beenta abuurka ah, kuwa sida khaldan loo tebiyo iyo kuwa marin habaabinta ah, waxaa marag ma doonto ah inay dhibaatooyin waaweyn ku hayaan shacabkeena, kuwaas oo ay ka mid yihiin, khatar wadajirka ummadda ah, in dadka la kiciyo iyo in naceyb iyo xasilooni darro la abuuro. Waxaa taa ka sii daran in wararkaasi ay wiiqayaan dagaalka dowladda kula jirto argagixisada. Sida aad wada ogtihiin argagixisada caalamka ka hawlgala waxay si weyn u isticmaalaan tiknoloojiyadda casriga iyo baraha bulshada si ay ugu baahiyaan warar been ah iyo propaganda, iyagoo ujeedkoodu yahay inay shacabka cabsi ku abuuraan. Waxyaabaha ay argagisadu baraha bulshada ku faafiyaan waxaa ka mid ah inay diinta si khaldan ugu fasiraan shacabka si ay qiil ugu sameeyaan falalkooda guracan, taas oo Iyana khatarteeda leh haddii aanu jirin faham iyo wacyigelin bulshada looga digayo khatartaasi.

5- Sidaa darted waxaan ugu baaqeynaa hay’daheena sharciga iyo garsoorka inay doorkooda ka qaataan xaqiijinta dagaalka lagu xakameynayo cadowga lidka ku ah wadajirka ummadda, nabadda iyo horumarka dalka, isla markaana lala xisaabtamo kuwa falalkaasi ku lug yeesha si aan ugu guuleysano hadafka saliimka ah ee aan leenahay ee ah dhismaha Somalia nabad ah, kana madax banaan colaadda iyo argagixisada.

6- Mudaneyaal iyo Marwooyin, faafinta wararka been abuurka ah, ama marin habaabinta waxay si cad lid ugu yihiin dhaqanka aadminimada, Soomaalinimada iyo Islaamka intaba. Sidaa darteed muhiim ayay u tahay dowladda, warbaahinta, aqoonyahannada, culumada iyo ururrada bulshada inay u midoobaan sidii ay u raadin lahaayeen hab lagu wacyigeliyo bulshada si ay ugu suuragasho kala soocidda wararka beenta ah iyo kuwa runta. Dowladda keligeed waxba kama qaban karto dhibaatadan. Waana sababta keentay inaan halkan la isugu keenno qeybo kala duwan oo bulshada ka tirsan, kuwaas oo aan u aragney inay muhiim u yihiin in xumaantan laga suuliyo bulshada dhexdeeda, hawshuna ay ka soo bilaabato meel hoose ilaa laga soo gaaro halka ugu sareysa.

7-Dadaallada dowladda ee horumarinta wacyigelinta waxaa ka mid ah hirgelinta Xafiiska Warbaahinta Qaranka oo hay;ado kala duwan ku mideysan yihiin, ujeedka loo sameeyayna ay tahay in fariimaha dowladda lagu mideeyo, gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada Khawaarijta ah. Waxaa shaqadaasi kaalin weyn ka qaatey oo ina garab taagan culumada diinta Islaamka, shacabka qeybihiisa kala duwan, dhalinyarada iyo xubno ka soo goostey Khawaarija oo markii ay runta fahmeen , go’aansadey inay shacabkooda dhinac ka raacaan. Wasaaradda Warfaafinta waxaa kale oo ay hirgelisay siyaasad isku xiraysa dowladda iyo shacabkeeda, iyadoo wararka iyo xogta dowladda helisteeda loo sahlayo shacabka si loo yareeyo khatarta faafinta wararka beenta ah, marin habaabinta iyo been abuurka.

8- Waxaa Iyana xusid mudan in wacyiga bulshada uu si weyn sare ugu kacay dhowaanahan. Telefishanka Qaranka oo ka kooban laba channel, Radio Muqdisho , Wakaaladda Wararka ee SONNA , Wargeyska Qaranka iyo baraha bulshada ee Wasaaradda Warfaafinta waxay 10kii bilood ee hawlgalka Khawaarija socday kasbadeen laba laab tirada dhegeysteyaasha, daawadeyaasha ama akhristeyaasha ku xiran, taasina waa ifafalo wanaagsan oo tilmaameysa in dad badan oo shacabkeena ka tirsan ay helayaan fariimaha saxda ah, isla markaana ay u sii gudbinayaan dadka kale ee aan tooska u helin fariimaheena.

9-Mudaneyaal iyo marwooyin. Dagaalka looga hortegayo wararka been abuurka, propagandada iyo marin habaabinta ma ahan mid dowladda keliya ay isku koobi karto. Waa waajib muwaadin kasta saaran inuu qeyb ka qaato nabadda, xasiloonida iyo horumarka waddanka, wax alaalle wixii intaas ka hor imaanayana ay qeyb ka qaataan suulinteeda sida ay diinteena dhigeyso. Waxaa mar kale baaq u jeedineynaa shacabka inaysan buunbuunin falalka guracan ee Khawaarijta geysanayaan, waayo dhibaatada ay shacabka u geysanayaan ayaa sii badaneysa haddii ay arkaan shakhsiyaad taageero u muujinaya. Shacabkuna waa inay ogaadaan in Ilaahay hortii lagula xisaabtami doono taageerada ay ka geysteen dhibaateynta shacab Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

10-Ugu dambeyn waxaan xusuusineynaa shacabka isticmaala warbaahinta iyo baraha bulshada inay si mas’uuliyad ku dheehan tahay qalablaasi u adeegsadaan. Tiknoloojiyaddan casriga ah waa in loo adeegsadaa in waddanka loogu adeego, laguna dhiso , oo aan loo adeegsan in dalka lagu waxyeeleeyo. Xoriyatul Qowlka waa qodob dastuurkeenna ku xusan, dowladdana y mar walba dhowreyso, laakiin waxaa muhiim ah in la xusuusto in qodobkaasi uu la socdo mas;uuliyad iyo xilkasnimo waddaniyad ku dheehan tahay.

11-Mudaneyaal iyo Marwooyin waxan idin rajeynayaa in aad arrimaha aan idin hordhignay aad si wanaagsan uga doodi doontaan, xalna u heli doontaan.

 

 

TAGGED:Shirweynaha Qaran ee ka hortagga faafinta wararka been abuurka iyo buunbuuninta oo Muqdisho ka furmay
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Goboleedka Puntland ayaa maanta, oo ku beegan maalinta 1-aad ee Ciidul…

June 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Kulmay Guddiga Farsamada Ee Loo Xilsaaray Ka Soo Tala Bixinta Hanaanka Doorashada Dalka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta la kulmay Guddiga farsamada ee loo xilsaaray ka…

Wararka
August 13, 2020

Hay’adda Sodma iyo hay’adaha samafalka oo ka wada hadlay xaaladda fatahaadda ee Baladweyne

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyay shir deg-deg ahaa oo heerkiisu…

GudahaWararka
May 24, 2023

Faah faahinno ka soo baxaya  dagaal ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku qaadeen khawaarijta

Cidanka kumaandooska Danab, gaar ahaan ururka 162aad iyo Guutada Gurmadka ee cidanka nabad sugida Jubbaland ayaa kooxaha khawaarijta u geystay…

Gudaha
April 19, 2024

Golaha wasiirrada oo maanta ka hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada…

GudahaWararka
May 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023