Jowhar, (SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo xiray Shirweynaha Maamulada, Gobollada iyo Degmooyinka ee ka socday magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle, ku xigeenkiisa Mudane Yusuf Ahmed Hagar (Dabageed), wasiiro iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu soo gebagebeeyay shirka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa yiri: โGulufka ka dhanka ah Khawaarijta waa sii socon doona inta laga saarayo guud ahaan Hirshabeelleโ
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in wejiga xiga uu ku wajahan yahay galbeedka maamulkaasi.
Shirweynaha Maamulada, Gobollada iyo Degmooyinka ee 4tii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Jowhar ayaa diirada lagu saaray daadejinta hanaanka dowladnimo.