Dhuusamareeb,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka isku-duwidda tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Wasiirka, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa daah-furay shirka, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqaynta, is-dhaafsiga khibradaha iyo isku-dubbaridka qorshayaasha la xiriira horumarinta tamarta, maaraynta khayraadka biyaha dalka iyo ka hortagga khataraha abaaraha.
Shirkan, oo ah mid muhiim u ah horumarinta adeegyada aasaasiga ah, ayaa ujeedkiisu yahay in la helo hannaan mideysan oo lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta, ilaalinta iyo ka faaโiidaysiga khayraadka biyaha, iyo adkeynta wada-shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.
Shirkan oo ah mid ahmiyad gaar ah siinaya abaaraha ka jira dalka, ayuu Wasiir Bidhaan xusay in si qoto dheer loo gorfeeyo, loogana doodo khataraha biyo laโaanta.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in inta shirku socdo si gaar ah xoogga loo saari doono arrimaha abaaraha, si xal waara loogu helo caqabadda biyo laโaanta ka jirta dalka.
Waxaa shirka ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Tamarta iyo Biyaha ee Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kuwaas oo kala ah:
* Dowlad-Goboleedka Galmudug
* Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed
* Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari
* Dowlad-Goboleedka Jubbaland
.Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle
