Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
GudahaWararka

Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 8, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo xiray Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday caasimadda dalka, iyadoo ay kasoo qayb galeen madax sare oo heer gobol iyo heer qaran ah, khubaro, ganacsato, iyo wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Intii uu shirka socday, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo, dood-cilmiyeedyo iyo warbixinno xeel dheer oo lagu falanqeeyay xaaladda dhaqaalaha Bariga Afrika, caqabadaha iyo fursadaha jira, iyo sida Soomaaliya uga qayb qaadan karto koboca dhaqaale ee gobolka iyadoo la adeegsanayo khayraadkeeda dabiiciga ah iyo awoodda dhalinyarada.

Waxaa sidoo kale garab socday bandhig ganacsioo ay ku soo bandhigeen shirkadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya, ganacsiga beeraha, kalluumeysiga, bangiyada, iyo isgaarsiinta, taas oo soo bandhigtay hal-abuur iyo fursado cusub oo ganacsi oo lagu kobcinayo dhaqaalaha gudaha.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Mudane Andrea Ariik Malueth, oo ka hadlay xafladda xiritaanka, ayaa bogaadiyay sida heerka sare ah ee ay Soomaaliya u martigelisay shirkan sanadkii labaad, isagoo sheegay in Muqdisho ay markale caddaysay in ay tahay xarun ku habboon shirarka caalamiga ah ee gobolka, ayna muujisay karti iyo isdiyaarin qaran oo lagu faano.

Dr. Cabdirakim Muxudiin Axmed, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha shirkan, ayaa uga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qabsoomidda shirweynaha, isaga oo xusay in madashani ay kor u qaadayso cilmi-baarista iyo fahamka iskaashiga dhaqaale ee gobolka, ayna dhiirrigelinayso in jaamacadaha iyo hayโ€™adaha tacliinta sare ay noqdaan hormuudka horumarinta aqoonta iyo hal-abuurka dhaqaale.

Wasiirka hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa soo xiray shirka isaga oo ku hadlayay magaca madaxda sare ee dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in EACCON 2025 uu ahaa shir taariikhi ah oo taabanaya kobaca dhaqaale, isdhexgalka bulshada iyo iskaashiga gobolka Bariga Afrika, isla markaana uu muujiyay sida Soomaaliya ay si dhab ah ugu jirto dadaalka mideynta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay wafdiyadii iyo madaxda ka socday dalalka xubnaha ka ah EAC iyo dhammaan qaban-qaabiyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in natiijooyinka shirkan ay horseedi doonaan qorshayaal istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo fursadaha maalgashi ee Bariga Afrika.

Shirweynaha EACCON 2025 ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa noqday madal muhiim ah oo lagu xoojiyay xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo isku-xirka dhaqaalaha, wax-soo-saarka, iyo suuqyada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mdane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shurkan furay ayaa ku tilmaamay EACCON 2025 fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, ganacsi, iyo isdhexgalka bulshada dalalka gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay markii labaad martigelineyso shirkan tan iyo markii ay si rasmi ah u noqotay xubin buuxda ee EAC.

Soomaaliya ayaa markale muujisay kartideeda martigelinta shirar heer gobol ah iyo goโ€™aankeeda ku aaddan in ay door muuqda ka ciyaarto isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo horumarinta wadashaqeynta Bariga Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye

Muqdisho,(SONNA):-ย  Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan…

GudahaWararka
February 20, 2023

Carruur ku dhimatay guri ku yaala Buula Xuubeey oo uu roob ugu soo galay xalay โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay in 7 carruur ah ay ku geeriyoodeen guri ku yaala Degmada Wadajir kaddib markii…

GudahaWararka
May 7, 2021

kulan looga hadlaayo Covid 19 oo berrito ka furmaya xarunta Q.Midoobay

Qaramada Midoobe ย ayaa qaban doonta beri oo khamiis ah shir aan caadi ahayn ย kaas oo looga hadlaaayo sidii looga hartegi…

Wararka
December 2, 2020

Wasaaradda hawlaha guud oo dhisaysa guryo qiima jaban

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si…

GudahaWararka
November 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023