Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
GudahaWararka

Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 8, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo xiray Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday caasimadda dalka, iyadoo ay kasoo qayb galeen madax sare oo heer gobol iyo heer qaran ah, khubaro, ganacsato, iyo wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Intii uu shirka socday, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo, dood-cilmiyeedyo iyo warbixinno xeel dheer oo lagu falanqeeyay xaaladda dhaqaalaha Bariga Afrika, caqabadaha iyo fursadaha jira, iyo sida Soomaaliya uga qayb qaadan karto koboca dhaqaale ee gobolka iyadoo la adeegsanayo khayraadkeeda dabiiciga ah iyo awoodda dhalinyarada.

Waxaa sidoo kale garab socday bandhig ganacsioo ay ku soo bandhigeen shirkadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya, ganacsiga beeraha, kalluumeysiga, bangiyada, iyo isgaarsiinta, taas oo soo bandhigtay hal-abuur iyo fursado cusub oo ganacsi oo lagu kobcinayo dhaqaalaha gudaha.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Mudane Andrea Ariik Malueth, oo ka hadlay xafladda xiritaanka, ayaa bogaadiyay sida heerka sare ah ee ay Soomaaliya u martigelisay shirkan sanadkii labaad, isagoo sheegay in Muqdisho ay markale caddaysay in ay tahay xarun ku habboon shirarka caalamiga ah ee gobolka, ayna muujisay karti iyo isdiyaarin qaran oo lagu faano.

Dr. Cabdirakim Muxudiin Axmed, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha shirkan, ayaa uga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qabsoomidda shirweynaha, isaga oo xusay in madashani ay kor u qaadayso cilmi-baarista iyo fahamka iskaashiga dhaqaale ee gobolka, ayna dhiirrigelinayso in jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ay noqdaan hormuudka horumarinta aqoonta iyo hal-abuurka dhaqaale.

Wasiirka hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa soo xiray shirka isaga oo ku hadlayay magaca madaxda sare ee dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in EACCON 2025 uu ahaa shir taariikhi ah oo taabanaya kobaca dhaqaale, isdhexgalka bulshada iyo iskaashiga gobolka Bariga Afrika, isla markaana uu muujiyay sida Soomaaliya ay si dhab ah ugu jirto dadaalka mideynta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay wafdiyadii iyo madaxda ka socday dalalka xubnaha ka ah EAC iyo dhammaan qaban-qaabiyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in natiijooyinka shirkan ay horseedi doonaan qorshayaal istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo fursadaha maalgashi ee Bariga Afrika.

Shirweynaha EACCON 2025 ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa noqday madal muhiim ah oo lagu xoojiyay xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo isku-xirka dhaqaalaha, wax-soo-saarka, iyo suuqyada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mdane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shurkan furay ayaa ku tilmaamay EACCON 2025 fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, ganacsi, iyo isdhexgalka bulshada dalalka gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay markii labaad martigelineyso shirkan tan iyo markii ay si rasmi ah u noqotay xubin buuxda ee EAC.

Soomaaliya ayaa markale muujisay kartideeda martigelinta shirar heer gobol ah iyo go’aankeeda ku aaddan in ay door muuqda ka ciyaarto isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo horumarinta wadashaqeynta Bariga Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

Tanzania (SONNA)-: Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo isaga iyo wafdi…

GudahaWararka
May 25, 2025

Madaxweynaha JFS oo Maanta Nairobi uga qaybgalaya Shirka Madaxweynayaasha Afrika & Bangiga Adduunka.

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda…

GudahaWararka
April 29, 2024

Kenya:Qarax gaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca boqolaal kale

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Magaalada Nirobi, 222 kalena waxaa soo gaaray dhaawac ,kadib markii Gaari xamuul ah…

Caalamka
February 2, 2024

Lix qof oo Shacab ayaa ku Geeriyooday Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Shallanbood(SONNA):-Lix qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo kooxda Khawaarijtu gelisay Wadada xiriirisa Degmooyinka Qoryoolay iyo Shallanbood…

GudahaWararka
August 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023