Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay shirweynaha dacwada salafiga Soomaalieed, oo diiradda lagu saarayo arrimo ay kamid yihiin dagaalka khawaarijta iyo damaca guracan ee Itoobiya.
Shirka ayuu ujeedkiisu yahay gudashada waajibaadka Diiniga ah ee Culimada ka saaran dalka, dadka iyo Diinta ayadoo loo maraya cadeynta xaqa iyo naseexeenta Bulshada iyo cadeynta mowqifka Culimada Salafiga ee ku aaddan marxaladda dalku marayo.
Shirka ayaa sidoo kale lagu faaqidi doonaa dardar-gelinta arrimaha dacwada iyo dhabbaha bulshada loogu gudbinayo, xoojinta wada hadallada Culimada oo muhiim u ah iska warqabka iyo isku xirnaanta marxaladda hadda uu dalka ku jiro, adkeynta mowqifka saxda ah ee laga qaatay khawaarijta iyo qorshaha dalka looga saarayo argagixisada.
Muhiimadda ugu wayn ee shirka ayaa ah ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya iyo garab istaagga mowqifka dowladda ay ka qaadatay damacaas.