Muqdisho-(SONNA)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federal Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkan oo uu si ramsi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cillmi Maxamuud Nuur oo ay wahliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo, Raxo Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane , Cabdulqafaar Xaange ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxibada caalamka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr, Cilmi oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha Mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa Hey’addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Shirkaan ayaa inta uu socdo sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo Hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.
Gebagebada Shirkaan oo socon doono mundo 3 maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro War-Murtiyeed wadajir ah.