Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka wadatashiga mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Shirka wadatashiga mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro
Wararka

Shirka wadatashiga mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 20, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Shirkaan  wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha  qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo  xoogga lagu saarayo  sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bankiga adduunka.

Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime  waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shirkaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood.

Agaasimaha wasaaradda qorsheynta maamulka Hirshbeele  Cabdulaahi Maxamed Xasan  (Dhagacade) oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo dhibaatooyinkii la soo maray oo ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale,maamul ahaana diyaar u yahiin hanaanka wax looga qabanayo in ay xoogga saaran.

Cali Xaaji Aadan maareeyaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka soomaaliya  ayaa sheegay in mashrucuan ahmiyadd weyn u leeyahay bulshada nugal ee uu saameeyeen  daadadka, abaaraha iyo ayaxa.

“ mashruucan waxa garwadeen ka ah dowladda federaalka soomaaliya gaar ahaan, wasaaradaha qorsheynta iyo maaliyadda isla markaana waxaa naga taageeraayo banka aduunka, waxa uu xoogga saarayaa afar  qeyb oo mudnaanta u leh  maamulka Hirshabeele si wax looga qabto, fatahada, Abaaraha, ayaxa iyo covid- 19  oo dhibaata weyn bulshada nugal ee u baahan in wax lala qabto, waa mahadsan yahiin madaxda maanta halkan nala joogta ee si aan isla fiirno muhiimada dhaxal reebka ah ee wax laga qaban karo.” ayuu yari cali xaaji aadan.

Asad yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriiraha qaran  ee  deeqa caalamiga ah  ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee abaaraha, dadaadka, ayaxa iyo cudurka covid-19.

“ waxaan ku faraxsanahay in wasaaradaha ay quseeso arrintaan inay goob-joog ka yahiin wadatashigaan, waxaan isla eegaynaa mudnaansiinta baahiyaha hortabinta u leh maamulka Hirshabeele  ee ka soo kabashada u adkeysiga xasaradaha maamulka” ayuu yari asad yusuf.

diyaarinta mashruucan waxaa lagala tashaday wasaaradaha ay quseeyso heer fedaraal iyo heer dawlad goboleed.

wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada mashruucan;

waxaa jiray shuruudo adag oo uu bankiga aduunku ku xiran maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo daayo lacagaha. waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruuca.

qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah;

– guddiga hoggaaminta mashruuca (psc)

– unugga fulinta mashruuca (piu)

– hawl-wadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (spt).

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Galmudug oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho-(SONNA)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Maalmahan safar Shaqo ugu maqnaa Dalka…

GudahaWararka
November 15, 2020

Turkiga oo bilaabay dhismaha warshad qaabilsan dhinaca nukliyeerka

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Turkiga iyo Russia ayaa dhagaxa dhigay dhismaha warshaddii nugliyeer ee ugu horeysay ee Turkiga…

Wararka
March 11, 2021

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyey shir ku saabsan u diyaargarowga shirka COP 29

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga…

EnvironmentGudahaWararka
August 7, 2024

Ciidanka xoogga oo hawlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan Galgaduud

Galgaduud(SONNA):-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururada 242-aad iyo 243-aad, ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaannada Jilib Qoodhiley, Qori Madoobe,…

GudahaWararka
April 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023