Muqdisho(SONNA):- waxa maanta magaaladda Muqdisho ka furmaya Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore Sida (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) kaa oo soconaya ilaa berri sida u qorshaysan.
Shirkan ayaa waxaa shirguddoominaya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh,waxaana kasoo qayb gelaya Madaxweynaha Kenya Mudane William Ruto, Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle
Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore:
1-Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.
2-In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore.
3-Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada.
4-Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu dambaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD.