Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka Horumarinta Qaranka oo looga hadlay mideynta dadaallada horumarineed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Horumarinta Qaranka oo looga hadlay mideynta dadaallada horumarineed
GudahaWararka

Shirka Horumarinta Qaranka oo looga hadlay mideynta dadaallada horumarineed

By Abdulkadir
Last updated: July 15, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka (National Development Council) ayaa shalay oo Axad ah lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene). Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Nuur Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta, iyo la taliye-yaal sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha Horumarinta Qaranka uu hayo iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee dalka oo dhan.

Qodobada Muhiimka ee Kulanka

1. Joogteynta Kulamada:

Golaha Horumarinta Qaranka ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada Golaha si loo xoojiyo ka wada-shaqeynta dhammaan howlaha shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2. Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 -2029):

Goluhu waxa uu si wadajir ah diiradda u saaray dar-dar gellinta diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran kaas oo bedelaya Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee gebo-gebada ah. Dowlad Goboleedyada waxaa laga taageeri doonaa diyaarinta iyo dib-u-eegista qorsheyaasha horumarineed si loo waafajiyo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

3. Xalka Barakacayaasha

Goluhu waxa uu isku raacay in xal waara loo helo barakacayaasha dalka ku sugan iyo in la dar-dar geliyo dhameystirka diyaarinta Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Qorshahan waxaa loogu talogalay in hal milyuun oo barakacayaal ah looga saaro xaaladaha barakac ee ay ku sugan yihiin sida waafaqsan Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara.

4. Dhiirigelinta Maalgashiga:

Goluhu waxa uu isku raacay xoojinta dadaallada dhiirigelinta maalgashiga caalamiga ah si looga wareego gar-gaarka biniโ€™aadminimo loona wareego horumarinta dalka. Waxa uu ku baaqay in la dhameystiro dhammaan shuruucda qabyada ah (heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed), gaar ahaan kuwa hor yaalla Golaha Baarlamaanka sida Sharciga Maalgashiga Soomaaliya.

5. Kormeerka iyo Qiimeynta:

Goluhu waxa uu isku raacay in la xoojiyo nidaamka Kormeerka iyo Qiimeynta dalka si loo xaqiijiyo in dhammaan mashaariicda dalka ka socdaa waafaqsanyihiin Qorshaha Horumarinta Qaranka. Waxa uu soo dhaweeyay ansixinta Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimaynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada XFS, iyo xoojinta fulinta iyo dhaqangelinta siyaasadda.

Golaha Horumarinta Qaranka waxa uu ka kooban yahay Wasaaradaha Qorsheynta ee labada heer ee Dowladda (Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada dalka), taas oo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo horumarinta qorsheyaasha dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay falalka lagu gubay Kitaabka Quraโ€™aanka

Jeddah-(SONNA)-Wasiirrada Arrimaha dibedda ururka iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay falkii ka dhacay dalalka Sweden iyo Danmark ee lagu gubay Kitaabka Qur'aanka…

CaalamkaGudahaWararka
August 1, 2023

ATMIS oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka saareyso 3,000-askari dhammaadka bisha September

Muqdisho,(SONNA):- Shir jiraa'id uu taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, Sarreeye Guud Som Okiding ku qabtay xerada Xalane ee magaalada…

GudahaWararka
August 30, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray markabka Oruc Reis ee sahminayay shidaalka

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka โ€œOruc Reisโ€ oo ku howlanaa baarista shidaalka…

GudahaWararka
June 12, 2025

RW Xamse oo kulan la yeeshay wasiirka waxbarashadda XFS oo ay wehliyaan wasiirradda waxbarashadda DG

MUQDISHO-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare,…

GudahaWararka
February 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023