Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo
GudahaWararka

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 7, 2025
2 Min Read
Share

Baydhabo-(SONNA)-Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF-2025) oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

Madasha ayaa isu keentay masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo dowlad gobolleed, hay’ado caalami ah, deeq-bixiyeyaal, ururro maxalli ah, ganacsato, jaaliyadda dibadda, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka, waxaana diiradda lagu saaray saameynta abaaraha, barakaca iyo isbeddelka cimilada, hoos u dhaca maalgelinta gargaarka, iyo muhiimadda hoggaaminta Soomaaliya ee qorsheynta howlaha gargaarka.

Khudbadaha iyo doodaha madasha laga jeediyay ayaa tilmaamay in la joogo waqti ay lama huraan tahay in laga guuro hannaanka gargaar ee dibadda ku tiirsan, loona jiheysto xalal waara oo ay Soomaalidu hormuud u tahay. Waxaa si gaar ah loo xusay, in la xoojiyo awoodda hay’adaha maxalliga ah, in ganacsatada, jaaliyadda dibadda, iyo Ururada bulshadu ay door muuqda ka qaataan wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo.

Guddoomiyaha Baarlamaana Koonfur Galbeed, Mudane Cali Saciid Fiqi oo shirka soo xiray ayaa u mahad-ceiyay dhammaan madaxda, hay’adaha iyo ka qeyb-galayasha, isagoo xusay in kulankaan wax badan laga bartay, marka la eego qodobbada muhiimka u ah howlaha bani’aadannimo ee laga dooday, halka uu dul istaagay in ku tiirsanaanta kaalmada dibadda kaliya aysan ahayn xalka dhibaatada.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin ayaa mati-galinta shirka uga mahad-celiyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo dhaammaan hoggaanka iyo shacabka KGS, isagoo boggaadiyay ka soo qeyb-galayaasha madasha iyo qodobbada ka soo baxay ee muhiimka u ah wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kormeeray goobaha laga dhisay Biyo xireennada Webiga Shabeelle “SAWIRRO”

Baladweyne-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyadda, Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maaddeey iyo Duq Magaalada Baladweyne ayaa…

WararkaWargayska
September 6, 2020

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka 

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madaxa banaan ee…

GudahaWararka
December 31, 2024

DFS iyo wakiilllada Caalamiga oo ka wada hadlaya samatabixinta Soomaalida ku go’doonsan dalka Suudaan

Muqdisho-(SONNA)-Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane, Xamse Aadan Xaadoow, ayaa kulan iskugu yeeray Muqdisho qaar ka mid…

GudahaWararka
April 20, 2023

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda “Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa mid wanaagsan”

Muqdisho(SONNA):-Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin dheeri ah ka…

GudahaWararka
March 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023