Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay sharaf sagootin ah u sameeyey Maayarrada Magaalooyinka dalka iyo Wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada, kuwaas oo uu u soo idlaaday shirka madasha 2-aad ee Maayarrada Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo martigeliyay munaasabaddan ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado ay kusoo dhaweenayeen kuna sagootinayeen Maayarrada iyo Wasiirrada ka kala yimid dowlad goboleedyada dalka ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Muqdisho lagu qabto shirka Madasha 2-aad ee Maayarada dalka.
Xubno ka socday Maayarrada Magaalooyinka dalka iyo Wasiirradda Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada dalka oo dhankooda ka hadlay munaasabadda ayaa ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir marti-soorka iyo soo dhaweynta ay Muqdisho ugu sameeyeen wafdiga ka kala yimid gobollada dalka, iyagoo ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS marti gelinta shirka Madasha Maayarrada.
Gaba-gabadii munaasabadda waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka mahadceliyay munaasabadda sagootinta ee uu maamulka gobolka Banaadir u sameeyay wufuudda ka kala yimid Gobolada dalka , kuwaasi oo muddo 3 cisho Magaalada Muqdisho ugu socday shirka Madasha Maayarrada oo la isku dhaafsanayay aqoonta, Waayo-aragnimada, wada shaqeynta maamullada iyo horumarinta dowladdaha hoose.