Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha iyo Xaafiisyada Hey’adda socdaal iyo Jinsiyada oo loo qabtay nidaamka Fogaan aragga oo warbixin lagu kala qaadtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha iyo Xaafiisyada Hey’adda socdaal iyo Jinsiyada oo loo qabtay nidaamka Fogaan aragga oo warbixin lagu kala qaadtay
Wararka

Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha iyo Xaafiisyada Hey’adda socdaal iyo Jinsiyada oo loo qabtay nidaamka Fogaan aragga oo warbixin lagu kala qaadtay

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 3, 2020
2 Min Read
Share
Muqdisho:(SONNA)-Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta furay Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha iyo Xaafiisyada Hey’adda oo lagu qabtay nidaamka Fogaan aragga (Video Conference).
Agaasimaha Guud ee HSJ oo ugu horeyn shirka furay ayaa sharaxay ujeedada shirkaan loo qabto isagoo xusay in shirka isku xirka howlaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodba mar la qabto, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Heyโ€™adda, caqabadaha ee Sedaxdii bilood ee la soo dhaafey iyo sidoo kale ansixinta qorashaha shaqo ee sadexda bilood ee soo socota.
Sidoo kale waxaa warbixin howleedka sadaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha shaqo ee 3-da bilood ee soo socota shirka ku soo bandhigay loogana dhegeystay Agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiinta laamaha ay Heyโ€™addu ee ka howlgala Gobolada. Inkasta oo COVID19 saameyn ku yeeshey howlaha hay’adda hadana madaxda shirka ka qeybgashey dhamaantood ayaa muujiyay in inta badan qorsheyaashii hay’adda ee sedaxdii bil ay fuleen.
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa 3-dii bilood ee ugu danbeysay gudaheeda lagu soo kordhiyay Xafiisyo cusub ee Baasaboorka laga bixiyo kuwaas oo laga furay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Safaaradda Soomaaliya Switzerland ee Geneva, Xafiisyadaas cusub ayaa u adeegi doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee baahida u qabo helidda Baasaboorka Soomaaliya. Sidoo kale Hey’adda ayaa 3-dii bil ee ugu dambeyso hormarin iyo casriyeyn ku sameysay habka qaadashada Baasaboorka. Dhinaca kale saraakiisha iyo howlwadeenada hay’adda ayaa ka qeybqaatey howlihii gurmadka ee daadadkii saameeyey gobolada qaar.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadan Koofi oo shirka soo xiray ayaa Agaasimayaasha laamaha, Waaxyaha iyo madaxda Xafiisyada kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan isla markaana fuliyaan habraacyada Caafimaadka ay soo saaraan Hey’adaha Caafimaadka dalka si looga hortago Faafitaanka Cudurka safmarka ah ee COVID-19. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in Wadamada caalamka ay dib u furayaan adeegyadooda Socdaalka ka hey’ad ahaanna loo baahanyahay in loo diyaar garoobo dib u furidda adeegyada ay hay’addu bixiso.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgal ka hortag ah ka fuliyey Shabeellaha hoose

Marka (SONNA): Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hayโ€™adda Nabadsugida Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaanada…

GudahaWararka
December 30, 2025

Ciidanka Kenya oo toogtay dabley weerar ka geysatay Mandheera

Mandheere(SONNA) Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay in weerar qasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka…

Wararka
June 15, 2020

Shirki Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war-murtiyeed laga soo saaray

Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle…

Wararka
July 13, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

Qaahira, (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Booqasho kormeer ah ku tagay Safaaradda…

GudahaWararka
September 12, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023