Khartuum(SONNA)–Magalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan ayaa ka furmay shir ay soo abaabuleen oo ay iska kaashanayeen Urur Gobolleed-ka IGAD iyo midowga Europe, kaasi oo ay ka qayb-galayaan Wasiirada arrimaha dibadda ee xubinta ka ah Ururaasi.
Shirkani waxaa Soomaalia ku Metelayay Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, Safiirka JFS Soomaaliya ee dalka Sudan Amb. Maxamed Sheikh Isxaaq, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaradaasi Danjire Maxamed Cali Nuur, iyo Diplomaasiyiin ka tirsan Safarada.
Shirkan ayaa diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin, Qorshaha 100 maalmood iyo dib u habeynta Urur Gobolledka IGAD, nabadgelyada iyo Amniga Gobolka, Iskaashiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ,Iskaashiga Cimilada iyo muhaajitiinta.
Shirkaasi waxana Warabaahinta Qaranka uga warbixiyey Muhimada shirkan u lahaa Soomaaliya iyo Mandaqada Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada iyo iskaa-shiga caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad.