MUQDISHO-(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ka furtay shirka isku-duwidda howlaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlayo horumarinta Caafimaadka dalkeena.
Shirkan oo saddex biloodle ah ayaa maalintiisa koowaad la soo idleeyay, waxaana ka soo qeybgalay wakiilo ka socday Dowlad goboleedyada dalka, Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya iyo xubno sare oo ka kala socday xafiisyada kale ee Dowladda.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya DR, Guuleed Cabdijaliil Cali oo shirka furay ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka ay wado dadaalo sare loogu qaadayo tayada Caafimaadka dalka.
Kulanka ayaa maalintiisa koowaad lagu soo bandhigay qodobbo waa wayn iyo doodo la xiriira Caafimaadka dalka si dhammaan ka qaybgalayaashu ay wax ugu biiriyaan, iyada oo ujeedadoodu tahay in la helo isfaham cad oo la isku raacsan yahay, kuna wajahan ballaarinta iyo horumarinta Caafimaadka Qaranka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hellitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh, islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gaaro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.