Dhuusamareeb (SONNA): Wasiirka hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Cilmi Maxamed Nuur iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka guddiga sare ee hagista mashruuca horumarinta Waddooyinka Soomaaliya (Project Steering Committee – PSC).
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga hagista ee Road Infrastructure Programme Somalia (RIPSOM) oo ka kooban Wasiirrada hawlaha Guud ee dowladda FS iyo Wasiiradda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo sidoo kale khubarada iyo shaqaalaha mashruuca.
Shirka oo si joogto ah loo qabto afartii biloodba mar ayaa lagu falanqeynayaa Waxqabadka iyo guulaha la gaaray intii u dhaxeysay shirkan iyo kii hore Caqabadaha taagan iyo xal u helkooda , Qorshayaasha cusub ee mashruucu ku tallaabsan doono bilaha soo socda. Wuxuuna shir muhiimad gaar ah u leh horumarinta kaabayaasha waddooyinka dalka, iyadoo lagu dardar-gelinayo hirgelinta mashaariicda waaweyn ee isku xira bulshada, dhaqaalaha iyo maamulada dalka.





