Muqdisho(SONNA):-Waxaa Magaaladda Muqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA),Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda ka-jawaabista abaarta, falanqaynta xaaladda bani’aadannimo, iyo adkaynta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Shirka, oo la qabto saddexdii biloodba mar, wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka wadaagga xogta, qiimeynta xaaladda abaarta, iyo hagidda tallaabooyinka qaran ee wax looga qabanayo saameynta abaaraha.
Waxaa ka qeyb-galay shirka wakiillo ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyaga oo si wadajir ah u falanqeeyay sugnaanta cuntada, baahiyaha jira, iyo caqabadaha taagan.
Ugu dambeyn, guddigu waxay ku balameen in shir balaaran layskugu yimaado bisha February ee sanadkan.
