Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliye Odawaa oo kormeeray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose oo Khawaarijta laga saaray
    August 13, 2025
    Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka  furmay Nairobi
    August 13, 2025
    Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo shir uga qaybgalaya Koofur Afrika
    August 13, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Wado laga hirgelinayo waaxda Saqaawadiin ee Degmada Shibis
    August 13, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    August 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad
Gudaha

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad

By Agaasimaha SONNA
Last updated: May 23, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)-Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii Labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay shalay  markii  uu kulanku soo dhamaaday waxa wuu yiri “Waxaa  si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha DG & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahad celinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.

Sidoo kale Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Mucalimow, ayaa beeniyay warar sheegayay in kulankii furitaanka lagu gaaray heshiis hor dhaca.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah” ayuu yidhi Afhayeenka XFS, Mucalimow.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoominayay kulanka, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa bogaadiyay hannaanka uu ku bilowday shirka, isagoo xusay inay dhankooda ay garab istaagayaan.

“Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaranyahay inaan u howlgalno taabagelinta iyo najaxinta shirka, si dalka uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara laga gaaro arrimaha la xiriira fulinta heshiiskii 17 September, isla markaana isafgarad uu ku soo dhamaado shirka.

“Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashiga Qaran ee maanta horudhiciisa furmay, waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xiriira fulinta heshiiska doorasho ee 17 September”. Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku tilmaamay shirka Arrimaha doorashooyinka mid yadiilo iyo wanaagsan u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka”. Ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Haddaba Kulankan ayaa laga rajaynayaa in laga gaaro heshiis midho dhal ah maalmaha soo socda hadii allah idmo.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliye Odawaa oo kormeeray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose oo Khawaarijta laga saaray

Muqdisho (SONNA): Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray…

August 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Dherkeenley

Muqdisho (SONNA): Hay'adda NIRA ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay Xarunta cusub ee Hay'addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley…

GudahaWararka
February 19, 2025

Sanadka 2023-ka waa sanad guul u ah Soomaaliya (WARBIXIN)

Sanad iyo todobo bilood kadib, maxaa Dowladda Soomaaliya u qabsoomay?, su’aashaasi jawaabteed looma fakirayo, muddo badanna kaa qaadan meyso helidda…

GudahaMaqaallada
December 16, 2023

Wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-(SONNA)-Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Anas ayaa maanta si rasmi ah u furay wejiga labaad ee…

GudahaWararka
November 19, 2024

Soomaaliya oo ka qeyb gashay madasha beeraha dunida oo lagu qabtay dalka Turkiga

Ankara-(SONNA)-Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigalinta Maamulka Gobolka Banaadir Mduane , Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha xiriirka dibedda iyo hey'adaha…

GudahaWararka
July 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023