Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa golaha wasiirada oga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arrimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhammaan dadka ree Jubbaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Jubbaland ay waddo gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatada gaartay.
Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda Isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha Caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah Wasaaradda qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiirada kaas oo qiimayn lagu samaynayay shaqada Wasaaradda iyo adeega ay u hayso bulshada.
Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ayaa golaha warbixin ka siisay abuurista wakaaladaha biyaha iyo korontada, waxaa ayna golaha wasiirada u qeybisay sharciga lagu dhisayo wakaalada.
Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa ka war bixisay dhismaha Dowladdaha hoose ee Ceelwaaq iyo mashaariicda Degmada Afmadow.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha Jubbaland ayaa golaha warbixin ka siisay canshuur uruurinta iyo mashruuca cusub ee SOMCAS kaa oo u sahli doono canshuur bixiyaasha in qaab fudud ay ku bixiyaan lacagaha canshuurta ah.
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland waxa ay soo gudbisay labo sharci oo kale ah.
B- Sharciga Shaqaalaha aan Dowladiga aheyn.
T- Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ama shisheeye.
Sharciyadan ayey goluhu soo eegi doonan ,iyadoo toddobaadka xiga shirka golaha wasiiradda lagu ansixin doono.