Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maalintii labaad ka soconaya Magaalada Muqdisho shirka golaha wadatashiga Qaran oo lagu gorfeynayo dardar gelinta doorashooyinka dalka iyo daah-furnaantooda.
Shirka golaha wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayo Raโiisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxaa ka qeybgalay madaxda maamul goboleedyada, gobolka banaadir iyo wakiillada beesha Caalamka oo madaxda golaha wadatashiga la wadaagay muhiimadda dhameystirka doorshooyinka dalka.
Shirka ayaa inta uu socdo waxaa lagu lafa-guri doonaaย arrimaha amniga iyo dardargalinta geeddi socodka dooraashooyinka Dalka.