Muqdisho (SONNA): waxaa maalintii 2-aad galay shirkii arrimaha Boliiska ee qaab-dhismeedka amniga Qaranka, kaas oo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ah ay ku qeybsadaan 40-kun oo Boliiska dalka ah.
Shirka waxaa maanta ka soo qeybgalay wsiirada wasaaradaha amniga, maaliyada, talisyada Boliiskaย iyo la taliyaaysha amaanka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada. Waxaa sidoo kale la isweydaarsaday afkaaraha iyo talooyin la xariira cadadka qeybsiga, tayeeynta ciidanka iyo dadaalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Ugu danbeyn waxaa shirkaan la soo gabagabeyndoonaa maalinta barri ah, waxaana laga soo saaridoonaa war-murtiyeey ku saabsan waxa lagu heshiiyay iyo sida lagu hirgalindoono.
Mahadsanidiin.