Muqdisho(SONNA):-Shirka 27aad ee Wasiirada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya,Soomaaliya ayaa sanadkan martigelisay shirka, waxaana shir guddoominaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, oo sidoo kale sanadkan ah Guddoomiyaha Wasiirada Maaliyadda ee Geeska Afrika.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Sudan, Jibuuti, Itoobiya, iyo Kenya, waxaana lagu wadaa in uu ku soo biiro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu shirka socday, mas’uuliyiinta heer Wasiir, Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Dowladda UK, iyo hay’adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee gobolka iyo caalamiga ah ayaa isku weydaarsan doona arrimaha hindisaha iskaashiga dhaqaalaha, gaar ahaan ka faa’iideysiga tamarta Geeska Afrika. Shirka ayaa la filayaa in gunaanadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo isdhexgalka dalalka, gaar ahaan xagga tamarta.
Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Bangiga Horumarinta Afrika, Dowladda Ingiriiska, iyo Urur Goboleedka IGAD. Shirka ayaa ah mid lixdii biloodba mar la qabto, iyadoo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta wax-soosaarka dalalka Geeska Afrika.

