Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika

By SB
Last updated: January 28, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, taas oo ah guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo ah Guddoomiyaha madasha, ayaa shir-guddoomiyey kulankan heerkiisu sarreeyo ee Muqdisho ka furmay, isagoo si diirran u soo dhoweeyey wafuudda ka kala timid dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamka.

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo furay shirka ayaa soo bandhigay aragti fog oo ku aaddan isbeddelka gobolka, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in xuduudaha nugul loo beddelo aagag dhaqaale oo firfircoon.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga xuduudaha ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xaqiijin karo nabadda iyo barwaaqada shucuubta iyo dowladaha Geeska Afrika.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Wasiirka Qorsheynta Koonfurta Suudaan iyo masuuliyiin kale oo ka socda dowladaha gobolka iyo Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa wakiillo sare oo ka socda saaxiibada horumarinta caalamiga ah, sida Midowga Yurub (EU), Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo UK.

Shirka ayaa bilowgiisa maanta diiradda lagu saaray Tamarta iyo Kaabayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa yaraanta korontada ee gobolka.

Madasha ayaa sidoo kale waxaa lagu falanqeeyey xogta ay soo bandhigeen Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub, taas oo muujisay in ku dhowaad kala bar dadweynaha Geeska Afrika aysan haysan koronto ku filan, iyadoo si weyn looga dooday hirgelinta isku-xirka tamarta gobolka, si hoos loogu dhigo qiimaha korontada, gaar ahaan Soomaaliya oo qiimaha tamartu uu aad u sarreeyo.

Wasiirrada ayaa dib u eegis ku sameeyey qorshaha dhismaha khadka korontada ee isku xiraya Itoobiya iyo Soomaaliya (500kV), mashruucaas oo la filayo in guddiga fulinta uu ansixiyo bisha Maarso 2026.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo goobta ka hadlay ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu sii ahaan doono xuddunta tamarta gobolka, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay la wadaagaan tamarta la cusboonaysiin karo dalalka deriska ah.

Jawiga shirka ayaa ahaa mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa bogaadin weyn ka helay Madasha, kadib markii uu khudbaddiisa ku jeediyey afka Soomaaliga, isagoo ammaanay soo dhoweynta qiimaha leh ee Muqdisho iyo horumarka ay caasimaddu ku tallaabsatay.

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu xoojinayo ballanqaadyada ku aaddan isku-xirka ganacsiga xuduudaha, mideynta siyaasadaha tamarta, iyo horumarinta aagagga dhaqaalaha.

Intii uu shirku socday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo biiri doono shirka, sida khudbad uu uga jeediyo, una soo xiro.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Suudaan.

Waxaa soo gaaray caasimada dalka sudan ee khartoum Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka soomaaliya Eng Abdirashid Ahmed Mohamed…

Wararka
February 9, 2020

Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa todobaadka soo socda ka qeyb galaya dhoola-tus militari…

Caalamka
August 28, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka Soomaaliyeed ayaa shaley u…

GudahaWararka
December 26, 2025

Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Mudug

Xarardheere (SONNA): Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta gobolka Mudug kadib markii…

GudahaWararka
December 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023