Johannesburg-South Afrika-(SONNA)-Kalfadhigii saddexaad ee Baarlamaanka Afrika oo socday intii u dhaxaysay 24-kii Juun illaa 5-tii Luulyo,2024 ayaa lagu soo gaba gabeeyay xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika ee Magaaladda Johannesburg dalka Koonfur Africa,waxaana Soomaaliya shirkaasi ku mataleysay Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka BJFS.
Shirka sanadkan oo mowduuciisu ahaa nidaaminta Iyo kordhinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay Qaaradda Afrika ayaa muddadii uu socday waxa ay ka qeyb galayaasha shirka ka doodeen warbixinno ka kooban 12-qodob oo ay soo bandhigeen guddiyo loo xilsaaray, waxaana qodobbada aadka looga dooday ka mid ahaa in Baarlamaanka Afrika uu noqdo sharci dejiye rasmi ah iyo ansixinta xeerarka qabyada ah ee la xiriira nidaamyada mideeyay wadamada Midowga Afrika.
Go,aannada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah.
1-Qaraarka Mawduuc sanadeedka Midowga Afrika ee 2024 oo ku saleysnaa Nidaaminta iyo Kordhinta Helitaanka Waxbrasho tayo leh oo loo dhan yahay Afrika.
2-Go’aanka Ansixinta Sharciga Xeerka Iskaashatooyinka Afrika.
3-Go’aanka caqabadaha hortaagan fulinta wax ku oolka ah ee go’aamada maamulka Midowga Afrika iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.
4- Go’aanka baabi’inta ciqaabta dilka ee Afrika.
5- Qaraarka Tixgelinta Warbixinta Waxqabad ee Baarlamaanka Pan-Afrika.
6- Go’aanka Horumarinta Dhaqdhaqaaqa isku socodka xorta ah ee Afrika.
7- Go’aanka maalgelinta guddiyada gobolka ee Baarlamaanka Pan-Afrika.
8- Go’aanka ku saabsan daroogada oo caqabad ku ah Waxbarashada loo dhan yahay tayo sarena leh ee la xiriirta Afrika.
9- Qaraarka Natiijadii ka soo baxday Shirweynihii 14-aad ee Baarlamaanka Afrika ee Xuquuqda Haweenka.