Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho
GudahaWararka

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

By Abdulkadir
Last updated: July 14, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wadatashi heer qaran ah oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka ee muddada 2025 illaa 2030.

Shirkan oo labo maalmood socon doona ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii si wadajir ah loo dejin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka oo si aamusnaan ah bulshada u saameeya.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiilo ka socdey dowlad-goboleedyada dalka, madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha dalka, isbitaallada, iyo sidoo kale, waxaa shirka si firfircoon uga qeyb galay hayโ€™adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, oo ay ugu horreeyaan WHO, African CDC, iyo hayโ€™ado kale oo muhiim ah.

Khudbaddii furitaanka Wasiirka ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in cudurkan la helo qorshe qaran oo mideysan oo lagu yareyn karo faafitaankiisa, waxa uuna xusay in cudurka Cagaarshowga yahay mid si qarsoodi ah ugu faafa bulshada, islamarkaana sababa dhibaato caafimaad iyo dhaqaale, wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshahan uu noqonayo mid salka u dhigi doona dadaallada Wasaaradda ee la xiriira yareynta cudurrada faafa, isagoo tilmaamay in la doonayo in la helo hannaan dhammaan hayโ€™adaha ay ka goโ€™an tahay ay ku midoobaan.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in si wadareed loo helo talooyin, aragtiyo iyo istaraatiijiyad mideysan oo lagu hagayo qorshaha cusub ee dalka uu qaadanayo si looga hortago cudurka Cagaarshowga, waxaa la isweydaarsanayaa inta uu socdo Shirka xogaha la xiriira xaaladda cudurka ee dalka, caqabadaha taagan, iyo sida ugu habboon ee bulshooyinka looga wacyigelin karo halista cudurka, sidoo kale waxaa la falanqeyn doonaa kaalinta ay yeelan doonaan dhammaan qeybaha aan dowliga aheyn.

Wakiilada ka socday WHO iyo African CDC oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka dadweynaha, waxa ayna ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada farsamo iyo midda cilmiyeed ee la xiriirta la-dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee uu ka mid yahay Cagaarshowga, sidoo kale waxay soo bandhigeen xog caalami ah iyo waayo-aragnimooyin guuleystay oo dalal kale ka hirgalay, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta diyaarinta qorshaha Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa rajeynaysa in natiijada ka soo baxda shirkan ay horseedi doonto qorshe qaran oo miro-dhal ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka marka la gaaro sanadka 2030. Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada kala duwan inay gacan ka geystaan fulinta qorshahaan, si loo xaqiijiyo himilada ah helidda bulsho caafimaad qabta oo u adkaysata cudurrada faafa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Guudlaawe oo shirguddoomiyey kulan SoDMA ku soo bandhigaysay raadadka ay reebtay Elnino

Jowhar(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen…

GudahaWararka
February 24, 2024

kulan looga hadlayay sugidda amniga doorashada oo lagu qabtay magaalada Baraawe

Muqdisho.(SONNA):- Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Guddoomiyey shir looga hadlaayey amniga guud ee…

GudahaWararka
February 5, 2022

Guddoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay qaraxii dadka lagu xasuuqay ex-koontarool Afgooye

Muqdisho (SONNA) - Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulankooda 27-aad ee kalfadhiga lixaad ayaa waxa ay marka hore ka…

Wararka
December 28, 2019

Wasiirada Puntland oo ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta goobaha taariikhiga ah โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta Goobaha taariikhiga ah ee Puntland, sidoo kalana lagaga…

Wararka
February 11, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023