GENEVA-(SONNA)-Wefdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Guuleed Cabdijaliil Sheekh Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa shirar kala duwan la qaatay hey’ado iyo mas’uul sar sare oo uu kala hadlay Barnaamijka Talaalka Qaranka ee sanadaha soo aadan.
Sidoo kale safarkaan shaqo ayaa waxaa looga dooday Mashruuca lagu maalgelinayo Barnaamijka Talaalka Qaranka mudada 5-ta sano ee soo socoto kaas oo diirada saari doono Tallaalka Caruurta 5 sano ka yar iyo Talaalka Caruurta ku nool gaabaha la xorreeyay ee aan adeega Tallaalka la gaarsiin mudo fog (Zero dose Children).
Shirkan oo qaatay shan maalmood ayaa lagu ansixiyay Mashruuca Tallaalka qaranka oo ay maalgalin doonto Hey’adda GAVI, kaas oo qaatay mudo sanad ah qorsheyntiisa, iyadoo ay wasaaradda Caafimaadka hormuud ka noqotay qorsheynta iyo hortabinta mashruucaan.
Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay u mahadcelineysaa Hey’adda GAVI oo gacan weyn ka geystay taakuladaan, iyadoo qeyb ka qaadan doonto horumarinta iyo dhisidda nidaamka Caafimaadka dalka guud ahaan si gaar ah mashruuca Tallaalka qaranka.