Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo xal u helidda barakacayaasha oo ka furmay Kismaayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo xal u helidda barakacayaasha oo ka furmay Kismaayo
GudahaWararka

Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo xal u helidda barakacayaasha oo ka furmay Kismaayo

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 7, 2024
2 Min Read
Share

Kismaayo-(SONNA)-Agaasimaha Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa faah-faahin buuxda ka bixisay xaaladda barakacayaasha Soomaaliya iyo wadiiqooyinka looga saarayo xaaladda barakaca halka milyan.

Marwo Zahra Cabdi oo ka hadlaysay aqoon is-weydaarsi ku saabsan dejinta qorshe-hawleedka Wadiiqooyinka Xalka Waara oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegtay in hadafkoodu uu yahay in barakacayaasha loo helo xal dhab ah.

Aqoon-isweydaarsiga waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Wasaaradda Qorsheynta, Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, waxaana ka qeybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland, Mudane Ayaanle Xuseen Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Hawlaha-Guud iyo Guryenta iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiska ee Jubbaland, wakiillo ka kala socday Hay’adaha Dowlad Federaalka, Gudoomiye Gobolka Jubbada Hoose, Gudoomiyayaasha degmooyinka Dhoobley, Kismayo, Xoghayaha Joogtada ee Degmada Doolow, Gudoomiye ku-xigeenka Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha UN-ka, Hay’adaha aan dowliga ahayn, Urrurada Bulshada Rayidka iyo xubno ka mid ah barakacayaasha.

Aqoon is-waydaarsigan ayaa waxaa laga soo saari doonaa Qorshe hawleedka dowlad goboleedka Jubbaland oo qayb ka noqon doono qorsha-hawleedka Qaran ee Xalka Waara oo qeexaya talaabooyinka loo baahan yahay in hal milyan oo qof oo barakacayaal ah looga saaro xaalada barakaca iyo hindiseyaal kor loogu qaadayo in barkacayaasha helaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dib-u-dejin, iyo sidoo kale talaabooyin wax looga qabanayo waxyaabaha sababay barakaca, sida colaadaha, faqriga, iyo isbedelka cimilada oo keenaa abaaraha iyo daadka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan casho u sameeyay xubno ka socday dowladda

Muqdisho(SONNA);-Safiirka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay mas’uuliyiin ka socday Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo…

GudahaWararka
May 26, 2024

Guddoomiye Madaale oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Adduunka u…

GudahaWararka
May 1, 2024

Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis la xiriira deeq waxbarasho oo heerka PHD ah

Muqdisho(SONNA):- Wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shalay galinkii dambe goobjoog ka ahaa heshiis la xiriira deeq waxbarasho…

GudahaWararkaWaxbarashada
May 28, 2023

Maamulayaasha Caafimaadka Dagmooyinka Gobalka Banaadir oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo gaba gabaysay tababar soo socday muddo 20 maalmood ah, kaas oo loo qabtay…

Wararka
December 17, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023