Muqdisho.(SONNA):- Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Cabdi-Jamaal Cusmaan Maxamed ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo socon doona muddo shan maalmood ah. Shirka waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed.
Shirkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa wada-shaqaynta iyo hufnaanta hayโadaha hantidhowrka, si loo xaqiijiyo masโuuliyadda iyo daahfurnaanta la xiriirta maamulka kheyraadka dowladda.