Muqdisho (SONNA): Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah oo ku aaddan diyaarinta qorshaha Istaraatijiyadda iyo hawlaha xafiisyada xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xeer Ilaaliyayaasha guud ee Soomaaliya.
Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan xafiisyada xeer illaaliyaasha guud ee dowladda FS iyo xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka garyaqaan Sulaymaan Maxamed Maxamuud, waxaana daahfuray gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka sheekeeye muhiimada ay dalka u leedahay in qorshe yaal mideysan loo sameeyo Xeer-Ilaalinta dalka.
Shirkan oo socon doono mudo labo maalin ah waxaa lafilayaa inay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo dhanaan xeer illinta dalku ay ka mideysanyihiin.