Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Garaad Yuusuf ayaa si rasmi ah u furay Shirka Guddiga Farsamada ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kallumeysiga ee maanta ka qabsoomay Magaalada Dhusamareb, shirkaan ayaa diiradda lagy saarayo arrimaha farsamo ee muhiimka ah ee la xiriira horumarinta iyo Maamulka Kalluumeysiga.
Wasiir Garaad ayaa dhammaan dhinacyada ka qeybgalaya shirkan kusoo dhaweeyey magaalada waxaana uu sheegay In golahan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana qeyb weyn ka qaadanaya hormarinta iyo islamaareynta wanaagasan ee Kalluumeysiga dalka oo dhan.
Shirkaan waxaa looga hadlay dib u milicsiga qodobadii ka soo baxay shirkii 2aad ee Golaha ee ka qabsoomay Magaalada Kismaayo iyo ka doodidda qabyo qoraalka xeerhoosyada iyo asteynta awoodaha golaha kaas oo qorshuhu yahay in lagu meelmariyo shirka heer wasiir ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.
Waxaa dood qoto dheer laga yeeshay qabyo qoraalka xeerka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga kaas oo diiradda saaraya habka howgalinta mideysan ee Maareeynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga. Hirgalinta xeerkan waxa uu wax weyn ka taraya in si wax ku ool ah looga wada shaqeeyo guul ka gaaridda arrimaha muhiimka u ah ka faaโideysiga kheyraadka Kallumeysiga dalka.
Shirkaan waxaa ka kasoo qeybgalay agaasimaha guud ee Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka iyo Khuburo dhinaca Kalluumeysiga iyo Xubanaha xoghaynnada Golaha.