Muqdisho (SONNA): Munaasibad ballaaran oo ku saabsan daahfurka hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen wasiirka wasaaradda ganacsiga dowladda FS iyo wasiirada ganacsiga dowlad goboleedyada ayaa lagu shaaciyey in Jubaland ay noqotay dowlad goballeedkii ugu horreeyey ee hirgaliya hanaankan casriga ah ee diiwaangelinta ganacsiga.
Munaasibadda oo uu daahfuray Madaxweyne ku xigeenka labaad dadawd goboleedka Jubaland mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, waxaana daahfurkan oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS uu daba socday fulinta heshiis hore ay si wada jir ah magaalada Dhuusamareeb ugu gaareen dawlad goballeedyada dalka kaas oo dhigayey in dawladda Jubaland ay noqoto maamulka ugu horreeya ee la gaarsiiyo hanaankan.
Munaasibaddan, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan BFS, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawlad goballeedyada dalka, Xildhibbaanada dawladda Jubaland, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer Dawlad goballeed, ganacsatada Jubaland, bulshada rayid ah iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Hanaankan, ayaa wax weyn ka taraya fududeynta ganacsiga dalka, waxaana uu qofka ganacsadaha ah u fududeynayaa in isaga oo xafiiskiisa jooga uu si onlayn ah ku diiwaangashan karo ganacsigiisa. Sidoo kale, hanaankan oo markii hore ku koobnaa heer Federaal, ayaa wuxu Jubaland siin doonaa fursad kale oo iyagu na ay ka qaataan doorkooda diiwaangelinta ganacsiyada.