Beledeyne(SONNA)–Madaxweynaha dowlad goboledka Hirshabele Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta daah furay qorshe lagaga hortagaayo fatahadaha Wabiga Shabeele uu ka geysto deegaanada Hirshabele, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne.
Shirkaasi waxaa qorshaha ka mid ah in daraasad lagu sameeyo goobaha inta badan ay biyaha Wabiga ka soo jabsadaan oo daraasad dhab ah lagu soo sameyn doono, iyadoouu halkaasi uu ka hadlay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Hirshabeelle, isagoo bogaadiyay dadaalada ay horeyย u wadeen bulshada Beledweyne oo ahaa ka hortagga fatahada, waxaana uu ka codsaday in aysan ka cajisi oo ay sii laba jibaaraan dadaalkooda.
Magaalada Beledweyne iyo deegaanada hoos yimada waxaa inta badan ka dhaca fatahaado ku soo noq-noqday, taasi oo cuuryaamisay ganacsiga gobolka uu caanka ku ahaa iyo bur bur ay deegaanadu ka dhaxleen fatahadihi ku dhuftay 3-dii sano ee la soo dhaafay.