Muqdisho (SONNA)- Shirkaan ayaa looga hadlay Waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Qorsheynta oo ay ka mid yihiin Diyaarinta Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka oo 26 September ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda, Diyaarinta Istaraatijiyadda Maal-gashiga oo dhawaan la horgayn doona Golaha Wasiiradda iyo Diyaarinta Istaraatijiyada Dowladd gobaleedyada oo bilaaban doonto dhawaan, waxaana shirkaan guddoomiyeye Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Qorsheynta Marwo Fahma Axmed Nuur.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray heerka uu marayo Shirka Istiraatiijiyada oo horyaalo Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka FS, Sahanada kala duwan ee Sameeysay Agaasinka Istaatistics iyo Warbxininta Isbadalada Suuqyada iyo badeecadaha Suuqyada (CPI)
Ugu dambeyntii Shirka waxaa lagu Boggaadiyey Shirka Golaha Horumarinta Qaranka (NDC) ee 24 September Ka qabsoomay Magaalada Muqdisho oo Ay Wasiiradda Qorsheynta Dowladda gobaleedyada iyo Wasiirka Qorsheynta ay ku meel Mariyeen mashaariic muhiim u ah dalkeena.