Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha hayโadda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan dhex maray Hayโadda SoDMA iyo qaar ka mid ah Hayโadaha QM ee ka howlgala Soomaaliya, sida; WFP, FAO, UNICEF, IOM, UNFPA, UN Women, UNHCR, UNDP iyo UNOCHA.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Baniโaadannimo ee Soomaaliya ayaa looga hadlay is-waafajinta qorshayaasha hayโadaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha baniโaadannimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada barnaamijyada lagu dhisayo adkaysiga bulshada iyo awoodaha hayโadaha ka shaqeeya arrimaha maareynta musiibooyinka.
Dhinacyada, ayaa isku raacay xoojinta wada shaqeynta iyo in la dhiirrigaliyo dhaqan-galka qorshayaasha ku aaddan hormarinta karaanka iyo aqoonta Hayโadaha dowlaadda, si ay isku filnaansho iyo awood dhammeystiran u gaaraan.
Ugu dambeyn; ย shirka waxaa lagu heshiiyay in uu noqdo mid la qabto afartii biloodba mar si loo xaqiijiyo isu-duwid dhammeystiran iyo wada shaqeyn ka dhaxaysa hayโadaha kala duwan ee ku lugta leh howl-gallada arrimaha baniโaadannimo ee dalka.