Muqdisho(SONNA):- Shir oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey xafiiskeeda dalka Shiinaha ayaa waxaa xoog lagu saaray sidii looga hortagi lahaa abaaraha mar walba ka dhaca dalalka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.
Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in muhiim tahay in xal loo helo cuni-yarida abaaraha dalalka geeska Afrika kusoo laablaabta kuwaasoo saameen badan ku yeesha dadka dega geeska Afrika oo Soomaaliya ugu horeeyso.
Sidoo kale safiirka ayaa soo dhaweeyay doodaha arrimahaas looga hadlayo ayna tahay in laga hadlo sidii difaac looga yeelan lahaa abaarahaas muddo badan bulshada geeska Afrika ku raaga.
Qaramada Midoobey ayaa inta badan soo qabanqaabisa shirarkan oo kale kuwaasoo xal loogu raadinaayo dhibaatooyinka nololeed ee haysta dalalka aduunka.