Nairobe(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadik Warfa ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir saddexdii maalmood ee u dambeyay ka socday halkaasi oo looga hadlay Hawl-gabka shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Shaqada ee dowlad-gobolleedyada, guddiga shaqaalaha rayidka Federaalka iyo masโuuliyiin sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka, iyadoo aad looga falan- qooday siyaasadaha iyo xeererka ugu degsan Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah.