Muqdisho (SONNA): Kulanka Guddiga farsamada ee Shirweynaha Taliyaasha Ciidamadda dalalka kamidka ah howlgalka Nadad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaaladda Muqdisho.
Shirkan oo socon doona muddo Afar maalmood ah ayna kasoo qeyb gali doonaan Taliyayaasha dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaridoonaa qorshaha kala guurka ee howlgalka ATMIS oo ku eg 31 Diseember 2024 kaasi oo uu baddalidoono howlgalka cusub ee AUSSOM oo ay hoggaamintiisa leedahay DFS.