Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay
GudahaWararka

Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay

By Abdulkadir
Last updated: November 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir muddo shan maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helidda maalgelinta cimillada ee Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada (NFC).

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimilada ee Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee dalka uga faa’iidaysan karo fursadaha jira. Intii uu socday shirka ayaa guud ahaan lagu falanqeeyay baahiyaha maalgelinta cimilada, iyadoo sidoo kale dooddo lagula yeeshay Ururka Bangiyada Soomaaliyeed oo ku saabsanaa hal-abuurka maaliyadeed, iyo hoggaanka NFC, kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loogu talagalay bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta isbeddelka cimilada.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada ayaa shirka kaga hadlay hannaanka helitaanka maalgelinta cimillada, iyagoo soo bandhigay fursadaha ka jira Sanduuqa Cimilada Adduunka (GCF) iyo Sanduuqa La-qabsiga.

“Shirkan shanta maalmood socday wuxuu aas-aas u yahay diyaar-garowga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay si toos ah u heli lahayd maalgelinta cimilada, loona maareyn lahaa si waafaqsan nidaamyada dowliga ah ee soo hagaagaya,” ayuu yiri Liibaan Obsiye, Agaasimaha Fulinta ee NFC.

Soomaaliya haatan waxay ku tiirsan tahay hay’ado caalami ah iyo kuwo qaran oo leh aqoonsiga GCF iyo Sanduuqa La-qabsiga si loo fuliyo mashaariicda la xiriira cimilada, inkasta oo ay ka mid tahay dalalka ugu nugul saamaynta taban ee isbeddelka cimilada, ayna aad u yar tahay qiiqa ay ka qeyb qaadato marka la eego heerarka caalamiga ah.

Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasaaradda Beeraha, Golaha Dhaqaalaha Qaranka, iyo UK FCDO Pioneer Country Trials — oo Soomaaliya ku dartay waqtigii COP28 laba sano ka hor isla markaana taageero farsamo siiya Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada (NCF).

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi sare oo ka socda Bangiga adduunka oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Wafdigan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Nagaruko oo ah agaasimaha Fulinta Xafiiska loo yaqaano…

GudahaWararka
December 19, 2023

Soomaaliya oo 29 Sano kadib dib ugu biirtay Urur Goboleedka Bariga ee la dagaalanka Ayaxa ee loo yaqaano (DLCO-EA).

Waxaa duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii  64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee   ee Ururka Bariga Africa ee…

Wararka
October 11, 2019

Soomaaliya iyo Jabuuti oo gaaray heshiis lagu kordhinayo ciidamada dalkas oo Soomaaliya jooga

Jabuti (SONNA): Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka…

GudahaWararka
July 30, 2025

Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo xal u helidda barakacayaasha oo ka furmay Kismaayo

Kismaayo-(SONNA)-Agaasimaha Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa…

GudahaWararka
May 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023