Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay
GudahaWararka

Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay

By Abdulkadir
Last updated: November 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir muddo shan maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helidda maalgelinta cimillada ee Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada (NFC).

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimilada ee Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee dalka uga faa’iidaysan karo fursadaha jira. Intii uu socday shirka ayaa guud ahaan lagu falanqeeyay baahiyaha maalgelinta cimilada, iyadoo sidoo kale dooddo lagula yeeshay Ururka Bangiyada Soomaaliyeed oo ku saabsanaa hal-abuurka maaliyadeed, iyo hoggaanka NFC, kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loogu talagalay bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta isbeddelka cimilada.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada ayaa shirka kaga hadlay hannaanka helitaanka maalgelinta cimillada, iyagoo soo bandhigay fursadaha ka jira Sanduuqa Cimilada Adduunka (GCF) iyo Sanduuqa La-qabsiga.

“Shirkan shanta maalmood socday wuxuu aas-aas u yahay diyaar-garowga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay si toos ah u heli lahayd maalgelinta cimilada, loona maareyn lahaa si waafaqsan nidaamyada dowliga ah ee soo hagaagaya,” ayuu yiri Liibaan Obsiye, Agaasimaha Fulinta ee NFC.

Soomaaliya haatan waxay ku tiirsan tahay hay’ado caalami ah iyo kuwo qaran oo leh aqoonsiga GCF iyo Sanduuqa La-qabsiga si loo fuliyo mashaariicda la xiriira cimilada, inkasta oo ay ka mid tahay dalalka ugu nugul saamaynta taban ee isbeddelka cimilada, ayna aad u yar tahay qiiqa ay ka qeyb qaadato marka la eego heerarka caalamiga ah.

Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasaaradda Beeraha, Golaha Dhaqaalaha Qaranka, iyo UK FCDO Pioneer Country Trials — oo Soomaaliya ku dartay waqtigii COP28 laba sano ka hor isla markaana taageero farsamo siiya Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada (NCF).

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Meydadka 89 muhaajiriin oo laga helay badda Atlantik

Ilaalada xeebaha dalka Mauritania ayaa soo saaray meydadka 89 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni Isniintii  ku degtay…

Caalamka
July 5, 2024

Diyaarad mileteri oo sidday ciidamo oo ku burburtay Filibiin

In ku dhow 29 ruux ayaa dhimatay,50-kalana waxaa loola cararay cisbitaal,kadib markii diyaarad xamuul ah oo ay leeyihiin ciidamada dalka…

Caalamka
July 4, 2021

Ra’iisul wasaare Xamse oo safar shaqo ku joogay Kenya ayaa dalka dib ugu soo laabtay

Nairobi-(SONNA)-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya…

GudahaWararka
May 11, 2024

Guddoomiye Cumar Filish oo xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti ee degmada Xamar jajab+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti…

GudahaWararkaWargayska
July 14, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023