Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Shirweynaha Soomaaliyeed ee Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada oo lagu qabtay Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha Soomaaliyeed ee Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada oo lagu qabtay Muqdisho
GudahaWararka

Shirweynaha Soomaaliyeed ee Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada oo lagu qabtay Muqdisho

By Abdulkadir
Last updated: February 11, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA);-waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir cilmiyeed heer qaran ah oo diiradda lagu saaray sugnaanta cuntada, horumarinta abuurka dalagyada beeraha, iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda ayaa diiradda llagu saaray doorka digirta iyo dalagyada kale ee nafaqada leh ku leeyihiin mustaqbalka wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya.

Shirka oo ah kii labaad waxaa ka qeybgalay khubaro ku takhasusay beeraha, hay’ado dowladeed, jaamacado, iyo shirkado gaar loo leeyahay. ujeeddadiisu waxay ahayd xoojinta wada-xaajoodka ku saabsan sida cilmi-baarista, abuur tayo leh, iyo tiknoolajiyada casriga ahi uga qayb qaadan karaan sugnaanta cuntada, adkaysiga cimilada, iyo koboca dhaqaalaha, gaar ahaan bulshada ku tiirsan beeraha iyo nolosha reer miyiga.
Ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo nidaam abuur oo la isku halayn karo, kaas oo taageera wax-soo-saar joogto ah. Intii uu socday shirka, khudbadaha furitaanka iyo doodaha miisaska wareega (panels) ayaa muujiyay in horumarinta hidde-sidaha dalagyada, gaar ahaan digirta, ay tahay tiir muhiim u ah kor u qaadidda wax-soo-saarka iyo sugnaanta cuntada.

Waxaa la isla gartay in abuur tayo sare leh uu si toos ah u saameeyo wax-soo-saarka beeraha, kordhinta dakhliga beeraleyda, iyo helitaanka cunto ku filan. Sidoo kale, doodaha ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee beeraleyda yaryar ku leeyihiin sugnaanta cuntada, iyada oo la xusay baahida loo qabo in la siiyo taageero dhinaca aqoonta, adeegyada beeraha, iyo siyaasad u fududeysa wax-soo-saarkooda.

Shirku wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda la qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo la muujiyay in isku xirka siyaasadda, cilmi-baarista, iyo farsamada beeraha uu yahay furaha lagu yareyn karo saameynta cimilada ku yeelato wax-soo-saarka.

Ka qaybgalayaashu waxay tilmaameen doorka ay Dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, xarumaha cilmi-baarista, iyo jaamacaduhu ka qaadan karaan horumarinta wax-soo-saarka beeraha, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah.

Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda, ayaa mar kale muujisay kaalinteeda hoggaamineed ee isku xirka aqoonta, cilmi-baarista, iyo horumarinta qaranka. Jaamacaddu waxay caddeysay in shirkan uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu taageerayo xalal cilmiyeed wax ku ool ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya sugnaanta cuntada iyo horumarinta nolosha bulshada Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

SoDMA oo u diyaar garoobaysa ka jawaabista abaar laga cabsi qabo

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirar gaar gaar ah oo looga hadlaayey…

GudahaWararka
November 27, 2024

Qarax lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntiland oo ka dhacay Gaalkacyo

Muqdisho:SONNA)-Qarax ismiidaamin ah  ayaa goor dhaw  lagu dilay Gudoomiyahi gobolka Mudug ee maamulka Puntland,  Alle ha u naxariistee, Axmed Muuse…

Wararka
May 17, 2020

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay dood-cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka dalka

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas…

Wararka
September 27, 2020

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo gaaray deegaanka Janaay Cabdalle oo laga xorreeyay Khawaarijta

Muqdisho (SONNA) Madaxweyne ku xigeenka 2-aad Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray jiida hore ee…

GudahaWararka
January 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023