Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Degmada Xudur oo u gudubtay wareegga labaad ee tartanka Ramadaan
    February 25, 2026
    Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka
    February 25, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska boqortooyada Ingiriiska
    February 24, 2026
    War-saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay ….
    February 24, 2026
    Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden
    February 24, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland
GudahaWararka

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

By Abdulkadir
Last updated: December 29, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, oo ah qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan go’aankii Tel Aviv toddobaadkii hore ku dhawaaqday, ayaa sheegay in Beijing ay arrintan ka walaacsan tahay isla markaana si adag uga soo horjeeddo. Wuxuu xusay in dalal iyo ururro caalami ah oo badan ay horay u diideen una cambaareeyeen tallaabadaas.

Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu si buuxda u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana uu Somaliland u arko qayb aan laga goyn karin dalka. Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedi karta kala-qaybsanaanta dhulka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrinta Somaliland ay tahay mid gudaha u gaar ah oo ay tahay in Soomaalidu iyagu si waafaqsan danahooda qaran u xalliyaan.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale ugu baaqay waddamada ka baxsan gobolka in ay joojiyaan faragelin kasta oo aan habboonayn, isagoo adkeeyay in aysan jirin dowlad xaq u leh taageeridda ama garab-istaagga kooxo gooni-u-goosad ah si ay u gaaraan dano gaar ah.

Sidoo kale, Lin Jian wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si dhab ah u fahmaan jihada ay xaaladdu u socoto, isla markaana ay joojiyaan tallaabo kasta oo gooni-u-goosad ah iyo iskaashi lala yeesho quwadaha shisheeye.

Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah in ay si buuxda u diidan tahay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, iyadoo ku adkaysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana heshiis ama xiriir toos ah oo lala yeesho ay u aragto mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Degmada Xudur oo u gudubtay wareegga labaad ee tartanka Ramadaan

Muqdisho (SONNA): Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay…

February 25, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dawladda Ethiopia oo maamul cusub u magacawday gobolka Tigreega

Addis ababa (SONNA)-Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Mulu Nega  loo magacaabay…

Wararka
November 13, 2020

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Shirkadaha Korontada Muqdisho faray in ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada

Muqdisho-(SONNA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho faray in ay ka shaqeeyaan…

GudahaWararka
April 23, 2024

Xubin ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka

Awdiinle, (SONNA):- Taliye ku xigeenka Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad, X/Liibaan Cali Maxamed Ahmed Nuur (Cali Jiirey), ayaa…

GudahaWararka
November 1, 2024

Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida oo dil toogasho ah ku xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle

MUQDISHO-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada sida ayaa maanta Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Urur ka tirsanaa ciidanka…

GudahaWararka
January 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023