Muqdisho.(SONNA):- Sheekh Xamdi oo ka mid ah culumada ka qeyb galeysa shirweynaha culumada Soomaaliyeed ee maanta labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka maanta uu daaran yahay midnimada iyo walaalnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo dhanka kale, tilmaamay in Soomaalida ay wadaagaan cunsur kasta oo wax walaaleeya sida Diinta, Luqadda iyo dhaqanka intaba.
” Shirka guud ahaan wuxuuu ku saabsan yahay midnimada umadda Soomaaliyeed, hadalkii madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah, waxaa aad looga hadlay cannaasiirta wax walaaleeya in ay Soomaaliya wada leedahay, waxaan rabaa halkan in aan ummadda uga gudbiyay waa inaan xaqiiqo ku noolaano,
Dhanka kale, Sheekha ayaa soo hadal qaaday in ay muhiim tahay in marka hore culumada ay ka heshiisyaan tafaraaruqa dhexdooda si wax badan oo bulshada faa’ido u leh u hagaagaan, wuxuuna sidoo kale, Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowladda si looga guuleystay kooxaha Khawaarijta ee caadeystay in ay si bareer ah oo micno la’aan ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
“Marka Culimadu ay heshiiyaan, tafaraaruqa dhexdooda ay iska saaraan wax badan ayaa hagaagaya”, ayuu yiri Sheekh Xamdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.