Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: SHEEKH CISMAAN-XIDDIG: “WAA ILAYSKII ISLAAMKA” WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > SHEEKH CISMAAN-XIDDIG: “WAA ILAYSKII ISLAAMKA” WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)
GudahaMaqaallada

SHEEKH CISMAAN-XIDDIG: “WAA ILAYSKII ISLAAMKA” WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 25, 2024
9 Min Read
Share

Basharku waa geeri-u-joog, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa; “Haddii geeri ku dayso, gabow baan ku daynayn”. Dhimashadii iyo geeridii ku timid caalinkii weynaa, caabidkii baarriga ahaa, foolaadkii mar-la-aragga ahaa, hormuudkii filkii ka tilmaannaa, maqaddimkii qiimiga weynaa, waracii xalaalmiiradka ahaa, macallinkii ka suntanaa culimada Soomaaliyeed iyo kuwa Geeska Afrikaba—geeridani, waxa ay ahayd mid gilgishay dhammaan shacabweynaha kala duwan ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Madaxda qaranka Soomaaliyeed oo idil ayaa dhanbaallo tacsi ah ka bixiyay, aqoonyahanka kala duwan ayaa iyana si weyn uga tacsiyeeyay, ardayda iyo xerta ku fooggan barashada diinta Islaanka ayaa iyana muujiyey murugo iyo baroordiiq dhulka ruxday.

Sidoo kale, geeridani  waxa ay noqotay mid ay ka falceliyeen  dhammaan hay’adaha iyo xarumaha  qaabbilsan arrimaha diinta Islaamka iyo owqaafta sida; golaha culumada dalka Ciraag, majliska culumada dalka Itoobiya, golaha culumada dalka Jabuuti, gola-weynaha caalamka Islaamka, iyo  qaar kaloo ka mid ururrada qaabbilsan  faafinta dacwada ee diinta Islaamka.

Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu  xijaabtey 20kii Julaay 2024, isaga oo ku allaystay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Sheekhu waxa uu ahaa macallin ku caanbaxay faafinta diinta Islaanka, fidinta shareecada, baahinta aragtida dhexdhexaadka ah ( الفكر الوسطي أو الفكر المعتدل) iyo yaraynta karaahiyada iyo fikirka gurracan ee xagjirka ah (الفكر المتطرف). Waxa, Alle ha u naxariistee, darka Sheekha arday aad iyo aad u fara badan, waxa ku canqartay ardaaga Sheekha dhallinyaro kala duwan, waxa ka hirqaday durdurka Sheekha boqollaal culimo ah—barasho iyo barbaaridba waxa uu u ahaa astaan lagu soo hirto oo loo la soo irkado meselooyinka diinteenna xaniifka ah; Eebbe-Weyne ha u naxariisto, gokiisana ha ka yeelo beer ka mid ah beeraha jannadee.

 

Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu ka tagay marax-diimeed, mahadho fac weyn iyo dhaxal-diimeed oo lagu xusuusan doono. Waxa uu allifay ama uu qoray kutub tayadoodu sarrayso, leh dux, dhadhan, dhosoq iyo mullaax aad u qiimo badan. Kutubtiisu, waa  mid gaartay dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed, weliba iyadoo u tallowday daafaha caalamka iyo waddamada deriska gaar ahaan kuwa Afrika. Haddii aan soo koobo, way badan yihiine, inta ugu caansan ama shaacbaxay ee waxsoosaarka Sheekha waxaa ka mid ah:

 

  1. المقاصد السنية في أحوال الأولياء وتراجم أعلام السادة الصوفية يقع في4 مجلدات ضخمة
  2. التيجان المكلله شرح النصائح المرسلة
  3. إقناع المؤمنين بتبرك الصالحين
  4. منية اللبيب في التبرك بآثار الحبيب
  5. بغية الأريب في التوسل بأسماء الحبيب
  6. المنهل في أدلة التوسل
  7. التحفة في نشر محاسن البرد
  8. اللآلي السنية في مشروعية مولد خير البرية
  9. التبيين في أدلة التلقين
  10. المنح الوهبية في ذم القبلية والعصبية
  11. المنتخب شرح أوراد مرحب
  12. التوضيح شرح أذكار التسبيح
  13. أنيس الجليس في ترجمة سيد أحمد بن إدريس
  14. الرسالة البهية في مشروعية التلفظ بالنية
  15. البرهان في جواز الذكر بلفظ هو للملك الديان
  16. ديوان القصائد والمدائح النبوية
  17. إرشاد الطالب إلى أحكام الشارب
  18. تنبيه الأكياس على مساوي الوسواس
  19. النصائح المرسلة إلى طلاب العلم لله والآخرة

Xogaha qaarkood ayaa tilmaamaya in ay jiraan kutub kale oo  aan weli la daabicin ama aan loo gudbin dad weynaha iyo bahweynta xerta Soomaaliyeed. Sheekhu waxa uu ahaa nin aad u kasmo badan, leh garasho iyo gudasho sarraysa, waxa uu ahaa naasix waaya-arag ah, qareen iyo caroog bulsho, kuna hubaysan aqoon iyo xeeldheeri mug leh. Sheekh Cismaan-Xsdig,  uu ahaa barbaariye gardaadshay kumanyaal culimo ah iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo harada cilmigiisa ka durduurtay.

Mar uu Sheekhu ka hadlayey xuska dhalashada Nebiga (SCW) ayuu ku tilmaamay in tahay arrin mudnaanteeda leh muunaynta ku dheehan darteed. Waxa uu intaas ku daray in ay tahay arrin xanbaarsan weynayn iyo ixtiraam heer sare ah. Weliba waxa uu si qotadheer u tilmaamay  in xuska mawliidku yahay mid ku suntan farxad iyo baraare, raynrayn iyo damaashaad; wacyigelin iyo baraarujin; nasasho iyo tamashlayn lagu majeerto carruuraha iyo dhallinyarada kala duwan.

Sidoo kale, markuu Sheekhu bidhaaminayay foolxumada jahliga iyo halaagga uu u geysto basharka, ayuu iftiimiyey in dhibkuba yahay aqoon darro ka jirta dhanka barashada, fahanka iyo dhuuxidda diinta Islaamka—ereyo kooban oo laga dhegaysto cajilo duuban, muxaadarooyin kooban oo lagu kadsoomo, hanafsi yar oo mareegaha laga bowsado, fadwo golakafuul ah oo ka maran dhiraan-dhirin iyo sugid ayaa sababay jaahwareer iyo jidbo aan dabar laheyn.

Sheekh Cismaan-Xiddig waxa ahaa shakhsi fiiro dheer oo indheergarad ah, aragti fog oo buunni ku ah lurbixinta arrimaha iyo xaaladaha bulshadiisa la soo gudboonaada. Waxa kale oo iyadana mudan in la muujiyo, dadkana loo tebiyo qaabka quruxda badan ee uu fahansaa in bulshada lagu ilaaliyo seeraha danaha qaranka iyo jiritaankeeda sooyaal. Waa hubaal inuu si mug leh oo dhidban u sheegay caqiidada suubban iyo mad-habka ummaddani kaga soocan tahay ummadaha kale ee qaafilka ah ama baadiyoobay.

Intaas ka dib, maansadin, waa baroordiiq iyo duco  aan Ilaahay ku tuugayo, waa durraan iyo isbihinbihin aan ku muujinayo tabaryarida iyo  xanuunk geeridu leedahay, gaar ahaan, tan ku timaadda culumada iyo dadka indhaha u ah bulshada inteeda kale.Ereydan waxa aan si dgedeg ugu curiyey safar ku jooga magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag 22kii Julaay 2024kiic dhawr cisho ka dib geeridii Sheekheennii caabidka ahaa, xurmadle, Sheekh Cismaan-Xiddig (AHUN):-

 

Alraxmaan bismillaahi Alwahaab alraxiimow

Alcasiis  alwakiilow Alqudduus alfataaxow

Aljabbaar alxakiimow Alnaciim alqadiirow

Alqafuur alqafaarowAlbasiir alcaliimow

Albadiic almatiinow  Alwudduud almujiibow

Ilaahii qudraddiisiyo Awooddiisu sarraysiyo

Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay

In addoonku ahaado Axad kaa amarqaata

Ku adkaada salaadda Oofiyoo xajka booqda

Ooga oo saka dhiiba.

 

Ilaahii mulkigiisiyo Awooddiisu sarraysiyo

Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay

In adduunkan la joogo Amarkaagu ku baahay

Ku abuuray makhluuqa Ku ekeeyey sinnaantiyo

Inaanuu dhan u iilan.

 

Ilaahii nasrigiisiyo Awooddiisu sarraysiyo

Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay

Arladaa waxa yaalliyo Wixii uurka ku nooliyo

Intii uubba ku aasan Iyagoo u hooggaansan

Aayaadkaaga ilhaamkiyo Waxyigaaga yaqiinsan.

 

Ilaahii raxmaddiisiyo Awooddiisu sarraysiyo

Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay

Inaan maanta ku tuugo Anigoo arrad muujay

Anigoo ka afaystay  Wixii oon la cunaayat:

Anigoo ka fogaaday Ardaagii la ag joogay

Anigoo arki waayey Wixii oog la shidaayay.

Anigoo socon waayay Ililii dadku jeexday

Anigoo garan waayay Ubbadii i ag taallay.

 

Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye

Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu

Axkaam noo meerinayee Dhallaankii ababsheeyee

Anqarshoo wax baree Ilaahow jannadaadiyo

Alfardowsa ku arsaaq.

 

Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye

Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu

Udgoonow Nebigaaga (SCW) Siiradiisa anuuggiyo

Asalkeedu wacnaa  Aslayoo afnaqaayee

Ilaahow jannadaadiyo Alfardowsa ku arsaaq.

 

Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye

Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu

Dadka oo la islaaxshiyo  Colaaddoo la afmeeriyo

Nabaddoo la asteeyiyo  Ummaddoo isku ood ah

Isku meelna ujeedda Heshiisoo anbaqaadda

Cimrigiis ku afneeyee Ilaahow jannadaadiyo

Alfardows ku arsaaq.

 

Alraxmaan bismillaahi Alwahaab alraxiimow

Alcasiis  alwakiilow  Alqudduus alfataaxow

Aljabbaar alxakiimow  Alnaciim alqadiirow

Alqafuur alqafaarow Albasiir alcaliimow

Albadiic almatiinow  Alwudduud almujiibow

Weligaagan allaystay Caabid weeye addoon ah

Waa ilayska Islaankiyo Waa Amiirka axbaabtiyo

Waa cimlaaqa akhlaaqdiyo Waa hormuudka abyoone

Axaadiista Rasuulkiyo (SCW) Tafsiirkuu afka saariyo

Werdiguu akhrinaayiyo Irsiguu ka xijaabtiyo

Acmaashuu ku gaboobey Ilaahow Alkumoow

Adduun baa waxba oolle Aakhiraa na sugaysee

Marka iilka la seexsho Ilaahow jannadaadiyo Alfardowsa ku arsaaq.

 

WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjiraha JFS ee Kenya oo qaabilay Siihayaha Safiirka Uganda ee dalka Kenya

NAIROBI(SONNA):-Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay…

GudahaWararka
December 4, 2024

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania oo la kulmay taliyaha laanta socdaalka dalkaas

Darasalam (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan,…

GudahaWararka
June 25, 2025

Doorashada sagaal kursi ee xildhibaannada golaha shacabka Soomaali-Land oo maanta ka billaabatay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)- Guddiga doorashada kuraasta gobollada Woqooyi ee Soomaaliland ayaa maanta Muqdisha ku dooranaya 9 kursi oo ka mid ah golaha…

GudahaWararka
January 25, 2022

Wasiirka Cadaaladda oo Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka latashiga hay’adaha D/G Galmudug.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DFS Mudane Xasan Macalin ayaa Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka latashiga hay’adaha Dowladda Galmudug ee…

GudahaWararka
September 23, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023