Muqdisho.(SONNA):- Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada Soomaaliya lana hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay falalka gurracan ee Khawaarijta iyo dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Khawaarijta joogta Soomaaliya ay yihiin kuwo aad xagjir u ah marka loo fiiriyo kuwa dunida kale ka jira oo badankooda fikirkaas ka tanaasulay.
Wuxuu sheegay Sheekha in Khawaarijta joogta adduunka dhammaan ay isku wada xiran yihiin, balse waxa cajiibka ah ay tahay in ay kooxihii Al-Qaaidda ee ku kala firiirsaneyd caalamka kulligood ay ka toobad keeneen falalkii gurracnaa ee ay ku foognaayeen,islamarkaana ay dagaallada joojiyeen dadkoodana dib ay ula heshiiyeen, isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in kooxda Khawaarijta Al-shabaab-Soomaaliya kaliya ay ka hareen.
”Khawaarijta Adduunka oo dhan waa ay isku wada xiran yihiin oo, waxaa cajiib ah furuucdii Al-Qaa’idda ee ku kala firirsaneyd caalamka, ururkaas ku jiray dhammaan furuucdii ku jirtay caalamka joogtay kulligood waa ka toobad keeneen fikirkaas weyna ka hareen, dagaalladana waa ay joojiyeen mushtamacaadkooda dib ula heshiiyeen ilaa kooxda Soomaaliya joogta maahinee, kuwa Soomaaliya kaliya ayaa fikirka aad ugu dheggan waliba xagjir ku ah,sababtana wax kale ma ahinee, iyaga fikirkooda fikir waddani ah oo dalka ka yimid ma ahan niman adduunka ka soo cararay iyo kuwo kale oo gobollo fog fog jooga oo koonfurta Soomaaliya degganaasho u ogoleyn ayaa maalgelin jiray, marka waa mashruuc ku dhisan xaqdi, cadowtinimo iyo Soomaaliya in dowladnimo loo diidan yahay,,”.
Cadowtinimada kooxda KHawaarijta Al-shabaab ayaa laga garan karaa camburinta, argagax gelinta iyo dilalka joogtada ah ay ku hayso shacabka Soomaaliya iyo bur burinta goobaha cibaadada sida Masaajidda, Dugsiyada Qurโaanka iyo goobaha kale ee lagu barto diinteena Islaamka.