Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Sheekada Mu’adinkii Khawaarijtu dishay ee hantidiisa ay gubeen.(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Sheekada Mu’adinkii Khawaarijtu dishay ee hantidiisa ay gubeen.(Warbixin)
MaqaalladaWararka

Sheekada Mu’adinkii Khawaarijtu dishay ee hantidiisa ay gubeen.(Warbixin)

By Abdulkadir
Last updated: February 22, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA:-Kooxda khawaarijta ee gabalkoodu dhacay hadana maraya xaalad quus ah ayaa waxa ay mudo dheer shacabka Soomaaliyeed ku hayeen dhibaatooyin isugu jiray dil,dhac iyo in ay gobaan Hantidooda iyagoo ka been sheegayay diinteenna suuban ee islaamka,waxan taa caddeyn u ah in ay la dagaalamayaan ayna bur buriyeen goobihii Cibaadada sida Masaajidyada ,Dugsiyadii Qur’aanka iyagoo Culimadii goobahaasi isugu daray kuwa ay dilaan iyo qaar ay ka masaafuriyeen degaannada ay gacanta ku hayeen ka hor inta aanan khawaarijta laga saarin.

Warabaahinta qaranka oo gaartay degmada Raaga ceelle oo ay khawarijtu  intii ay gacanta ku hayeen halkaa ka geystay dhibatooyin fara badan,iyagoo xili Ramadaan ah mu’adinkii masaajid sidoo kalana ahaa sama fale dadka danta yarta caawiyo ku dileen degmada Raaga Ceelle ee gobolka shebeellaha Dhexe, taas oo ka turjumeeyso ficillada gurracan  ay khawaarijtu uga been sheegaan diinta islaamka.

Nabadoon Axmed Jilcane waxa uu ahaa samadoon u adeega bulshada danta yara sidoo kalena ahaa Mu’adinka Masaajid ku yaal deegaanka Raaga Ceelle xili uu ku sugnaa gudaha maasjidka ayay khawarijtu ka wateen kadibna way dileen,waliba isaga oo ummada ugu yeerayo salaadda Subax,taa oo arggagax iyo Naxdin ku beertay dadka deegaanka Raaga ceelle,ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Tobban saac salaada adinkii hore ayuu adimay,wuu suneeystay kadib wey soo galeen,waxana muuqatay in sheekha aysan Aqoonin balsa kor laga tusay,garabka ayay ka qabteen weyna wateen” sidaa waxa yiri mid kamid ah odayaasha degmada Raaga Ceelle.

Maamo Ruqiyo oo kamid ah xaasaska uu qabay marxuum Axmed (Jilcane) oo Habeenka la dilay uu la joogay ayaa warbaahinta qaranka u sheegtay in markii uu saxuurtay kadib uu ka soo baxay Xafadda si shacabka deegaanka ugu kiciyo salaada,balsa khawaarijtu ay kula kaceen dil iyo in ay gubaan Hantidiisii,wana mid kamid ah ficillada gurracan ee khawaarijta

“Markii uu Saxuurtay kadib ayuu iga soo tagay, wuu adimay,anoo aqinka sugayo  salaada ayaa la isoo marsiiyay isagoo gacmaha ka xiran waxa ay i weydiiyeen furaha gaariga.kadibna in ay dileen ayaa la igu soo wargaliyay iyagoo noo diiday meydka in aan Aasano ayay tiri”Ruqiyo

Khawaarijta Arxanka daran ee Al-Shabaab Kuma aysan simin oo kaliyay in qoyskaan  Aabo tiraan,balsa waxa ay gubeen gawaaridii loogu shaqeynayay carruurta Agoonta,wana mid kamid ah ficillada naxariista daran ee lagu yaqaan khawaarijta ma ahan mid hal qormo kaliya lagu soo koobi karo ficillada garracan ee khawaarijtu ka geeysteen degmada Raaga Ceelle iyo guud ahaan deegannadii laga saaray khawaarijta,kuwaa oo hada shacabka deegaanadaa ay ku nool yihiin nolol ka duwan tii ay horay ugu jireen,dowladda ayana gaarsiisay gurmad isugu jira Caafimaad iyo in dib loo howlgaliyo adeegyadii bulshada.

Ciidamada xoogga dalka kuwa deegaanka ayaa casharo lama ilaawaan ah u dhigay khawaarijta meydadkoodan uu noqday Tira beel, halka qaar kamid ahna nolosha lagu qabtay,waxaana dowladda oo kaashaneyso shacabkeda ay wadaan sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa khawaarijta oo in mudda ah Nolol iyo hormarba u diidanaa shacabka Soomaaliyeed.

Khawaarijta ayaa hada wajahaya xaalad adag kadib markii dowladda ay ka jartay illihii dhaqaale ee baadda ahaa  shacabka ka qaadi jireen kadibna ay ku dhibaateen jireen,waxana hada xalkoodu maraya in ay horjoogayashoodii qaar kamid ah uu soo kaa dhax galo kala shaki,lana xanibo in aysan wax dhaq-dhaqaaq ah sameeyn karin,taas oo muujineeyso in ay burbureen khawaarijta arxanka daran.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Fatxudiin Ospito oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha Tajakistan

Madaxweynaha Dalka Tajikistaan Mudane Emomali Rahmon ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospito. Munaasabaddii wareejinta waraaqaha…

Gudaha
January 31, 2025

Marwada Koowaad ee Dalka oo hambalyada Ciidda u dirtay Shacab-weynaha Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA)- Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha soonfur iyo ciiddul fidriga…

GudahaWararka
May 12, 2021

Xaflad loogu mahadcelinayo wafdigii Maxkamadda ICJ guusha kala soo noqday oo ka socota Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

MUQDISHO (SONNA)- Munaasabad loogu mahad celinayo wefdigii Soomaaliya ku matalayay dacwaddii baddeenna uuna goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen…

GudahaWararka
October 16, 2021

Cabsida laga qabo dagaal ku baaha Bariga Dhexe oo sii kordhaya

Saraakiisha Israa'iil ayaa ka dhawaajiyay in ay ka jawaabi doonaan weeraro gantaallo ah oo Iran ay la begsadeen bartilmaameedyo muhiimka…

Caalamka
October 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023