Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Shaqaalaha hay’adda socdaalka oo loo tababarayo amniga Internet-ka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shaqaalaha hay’adda socdaalka oo loo tababarayo amniga Internet-ka
GudahaWararka

Shaqaalaha hay’adda socdaalka oo loo tababarayo amniga Internet-ka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 1, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha giud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar sare oo 10 maalmood socon doona, kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 20 sarkaal oo ka tirsan hay’adda. Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa sugidda amniga internetka, maamulka xogta socdaalka, iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee lagu maamulo xuduudaha iyo adeegyada kale ee hay’adda.

HSJ ayaa horey u hirgelisay adeegyo casri ah oo ay ka mid yihiin nidaamka dhijitaalka ah ee maamulka socdaalka, bixinta baasaboorka, iyo kaydinta xogta biometric-ka, kuwaas oo horseeday hufnaan iyo horumar weyn oo dhinaca maamulka iyo bixinta adeegyada ah. Tababarkan waxa uu laf-dhabar u yahay sugidda xogta iyo nidaamyada dhijitaalka ah, iyadoo looga hortagayo khataro amni oo culus, sida gelitaan aan sharci ahayn iyo weerarro dhinaca xogta ah.

Ku xigeenka Madaxa IOM ee Soomaaliya, Marwo Prestage Murima, ayaa sheegtay in tababarkani muhiim weyn u leeyahay tayeynta adeegyada socdaalka, gaar ahaan dhinacyada maamulka xogta iyo sugidda baasaboorka, iyadoo xustay taageerada joogtada ah ee IOM ay siiso HSJ dhanka qalabka iyo tababarrada.

Wakiilka Safaaradda Switzerland ee Soomaaliya, Marwo Gisela Schlueb, ayaa iyaduna tilmaamtay in iskaashiga adag ee ka dhexeeya Safaaradda Switzerland, HSJ iyo IOM uu horseeday horumar muuqda, iyadoo tusaale u soo qaadatay taageerada dhinaca shabakadda LAN. Waxa ay intaas ku dartay in tababarkani door muuqda ka qaadan doono adkaynta amniga tiknoolajiyadda iyo maamulka xogta.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Switzerland iyo IOM kaalintooda muuqata oo ay ku leeyihiin hirgelinta tababarkan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in HSJ ay si buuxda uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha tiknoolajiyadda oo la jaanqaadidda heerarka caalamiga ah.

Ugu dambayn, waxa uu ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha in ay si buuxda uga faa’iidaystaan casharrada iyo khibradaha muddada uu socdo tababarka, isaga oo xusay in amniga internetku uu yahay laf-dhabarka maamulka xogta casriga ah iyo ilaalinta kalsoonida muwaadiniinta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay degaanka Jannaay Cabdalla

Kismaayo-(SONNA)-Ciidanka Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa soo af-jaray koox Khawaarij ah oo…

GudahaWararka
September 15, 2024

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Gashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka Turkisom+Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka…

Wararka
June 11, 2020

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex…

GudahaWararka
May 12, 2025

Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha oo kulan laqaatay Mas’uuliyiinta ka socday Wasaaradaha Hirshabeelle “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa maanta kulan laqaatay Mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle…

GudahaWararka
October 14, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023