Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Diiwaangelinta iyo Tababaradda Mudane Axmed Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ayaa manta shaqaalaha Guddiga u soo xiray tababar socday muddo laba todobaad ah.
Tababarkan ayaa waxa lagu qaatay habraacyada shaqo ee guddiga, maareynta hantida, iyo u adeeggidda muwaadiniinta.
Gudoomiyaha ayaa boogaadiyay sida howlwadeenada guddiga ay uga faaโideysteen muddadii uu socday, isaga oo kula-dardaarmay aqoonta ay faaโideysteen in ay kula laabtan xafiisyadooda. Tababarka waxa bixinayay khubaro dhanka maamulka shaqaalaha ah.
Ugu dambeyn, shaqaalaha ka qeybgalay tababarka ayaa boogadiyay tababarka iyaga oo xusay in uu tababarkan uu muhiim ugu yahay gudashada waajibaadkooda shaqo isla markaasna uu wax weyn ku soo kordhin doono waxqabadkooda.