Shacabka tuulada gareer moogaw oo hoostagta degmada Xudur ayaa maamulka ka codsaday in liiska tuulooyinka loogu daro maadaama tuuladaas ay ka maqan yihiin adeegada asaasiga ah.
Maamulka degmada Xudur ee gobolka bakool, golaha malaaqyada, laamaha amniga, hay’adaha bani’aadanimada ka shaqeeya iyo guddiga tuulada Gareer-moogaw ayaa ka wada hadlay sidii deegaankooda loogu aqoonsan lahaa tuulo ka madax-bannaan tuulada madax=waraabe oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada Xuddur.
Guddiga tuulada Gareer-moogaw ayaa kulanka ka sheegey sababta ugu weyn ee ay u door bideen in tuulada la madax banaaneeyo ay tahay tuulada oo dhan walba u fideysa, bulshada degan tuulada oo aad u badan una baahan in ay helaan adeegyada aasaasiga u ah bulsho iyo gargaarka bani’aadanimada ee lagaarsiiyo dadka degan tuulooyinka. Waxayna maamulka degmada Xudur ka codsadeen in tuuladaย oo ay maamul u sameysteen loo aqoonsado hay’adahana lagaarsiiyo jiritaankeeda.
Afayeenka golaha malaaqyada degmada Xudur Cali Aadan Wiir oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyey in odayaasha dhaqanka ay bogaadinayaan in la tixgeliyo codsiga bulshada gareer-moogaw.
Masuuliyiinta maamulka degmada Xudur oo kulanka lagu casuumay ayaa sheegey in ay muhiim tahay in deegaanka la balaariyo tuulooyin cusub ay soo kordhaan kuwii horena magaalooyin laga dhigo, degmadana ahmiyad gaar ah siinayso tuulooyinka soo buuxiya shuruudaha lagu aqoonsankaro.
Guddoomiyaha Arimaha Bulshada degmada Xudur Malaaq Cabdiraxmaan, guddoomiye ku xigeenka degmada Mustaf Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa kulanka soo xirey.