Hobyo (SONNA)-Maamulka iyo bulshada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa wado dadaallo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyagoo dib u dhis Is-xilqaan ah ku sameeyay masjidka Jaamaca Hoybo oo dhisnaa muddo 107-sano ah.
Maxamed Axmed Sahal oo kamid ah odayaasha dagmada Hobyo xilligii dowladdii dhexena soo noqday guddoomiyaha dagmadaas ayaa warbaahinta Qaranka uga sheekeeyay taariikhda masjidka isagoo tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in dib loo dhiso muddo kaddib.
Xoghayaha maamulka dagmada Hobyo Macalin Mursal Maxamuud Aadan ayaa bulshada Hobyo uga mahadceliyay sida ay diyaar ugu yihiin in Is-xilqaan lagu dhiso goobaha danta guud.